Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daahfurka xisbiga TAYO oo lagu qabtay Den Haag wadanka Natherlan.

Faracyada xisbiga TAYO ee wadamada Maraykanka, Canada iyo iskutaga wadamada Yurub sida England, Sweden,  Norway, Belgium iyo Natherlan ayaa isugu yimid shir ay ku ansixinayeen shuruucda xisbiga kuna doorteen gudoon cusub iyada oo gudoomiyaha xisbiga loo doortaan  raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed “Farmaajo”.

Sidoo kale waxaa laysla meel dhigay Qaabdhismeedka Xisbiga siiba tirada Golaha Dhexe, iyada dib loo dhigay in la magacaabo xubnaha Xisbiga si fursad loogu siiyo in uu xisbigu noqdo mid ay hagayaan Xubno Tayo leh oo aqoonsare u leh qaybaha kaladuwan ee Maamulka siyaasada.

Sidoo kale waxaa la go’aamiyay in xarunta dhexe ee xisbiga laga dhiso Magaalo madaxda Muqdisho shirwaynaha Xisbigana lagu qabto Magaalomadaxda dhamaanka sanadkan, iyada oo xarumaha xisbiga laga hirgalindoono dhamaan Degmooyinka uu dalku ka kooban yahay.

Xubnaha Xisbiga ee Dacalada Aduunka ka kala yimid ayaa ugu danbayn u mahad celiyay xubnaha Faraca Xisbiga ee Holland sida ay isugu duba rideen kulanka daahfurka xisbiga, sidoo kalena uga mahad celiyay soodhaweentii walaaltinimo ee lahayd saansaanka Soomaalinimo iyada oo hoosta laga xariiqay in lagu guryo noqondoono dhamaadka sanadkan Caasimada Dalka Hooyo ee Muqdisho.

Daawo Sawirada Daahfurka xisbiga TAYO


Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply