Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Culumada Diinta ee Gobolka Cayn oo Deeq Raashin ah Gaadhsiiyey deegaanka Sool Joogto ee Gobolka Cayn, isla Markaana Kormeer ku tagay Xarumaha Waxbarashada

Culumada Diinta ee Gobolka Cayn Cuqaal iyo Waxgarad kale ayaa deeq raashin ah gaadhsiiyey deegaanka Sool Joogto ee Gobolka Cayn oo dhawaanta Halkaasi isaga baxeen Ciidamadii Maamulka Somaliland ee halkaasi inta badan ku sugnaa, Waxana haatan deegaankaasi dib ugu laabtay Qoysaskii horay u deganaa halkaasi.

Deeqdani ayaana Waxay ahayd Raashinkii fidrada ee laga aruuriyey Bulshada ku dhaqan Magaalada Buuhoodle oo Culumada Diinta ee Gobolka Cayn ka aruuriyeen Waxana Culumada Buuhoodle Buuhoodle Raashinkaasi ku Wareejiyeen Waxgaradka deegaanka Sool Joogto, Waxayan kaloo Culumadu kormeer ku tageen Goobaha Waxbarashada deegaankaasi Sool Joogto oo Dhibaato badan ka soo gaadhay dagaaladii halkaasi ka dhacay, Hoos ka Daawo Full Video Warbixinta Deegaanka soool joogto.
Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag