Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

C/raxmaan Odowaa ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ku soo wargeliyay markeedii horeba in gobolada dhexe loo sameynayo maamul lagu magacaabo Galmudug

Cadaado Julay 24, 2015 Munaasabaddii caleema saarka ee magaalada Cadaado oo noqotay midii ugu weyneyd ee maamul goboleedyada federaaliga ah loo qabto, kaddib markii ay ka soo qeyb galeen ergooyin ka badan 300-ruux balse intooda badan ay ka yimaadeen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo iyagu isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano, diblomaasiyiin shisheeye, guddoomiyeyaal gobol, saraakiil iyo xubno uu ugu horeeyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ka mid ahaa madaxdii khudbadaha ka jeedisay munaasabadda lagu caleema saarayay Madaxweynaha maamulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa isagu kaftan iyo inuu ka qosliyo ergada ku daah furay khudbadiisa.

C/raxmaan Odowaa ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ku soo wargeliyay markii ugu horeysay in gobolada dhexe loo sameynayo maamul lagu magacaabo Galmudug, wuxuuna isagoo dhoola caddeynaya yiri “Wadaad wuxuu u jecel yahay tuftaada waa la aqbalay, marka Madaxweyne Tuftaada waa la aqbalay”.

Wasiir C/raxmaan ayaa sheegay in dadka ku dhaqan gobolada dhexe ay yihiin kuwo maalintiina dagaashan, habeenkiina shaah isla caba taasi oo uu ula jeeday mid dhaqan u ah dadka gobolada dhexe.

Wasiirka da’da Dowladda dhexe ee Federaalka ayaa sheegay inuu guuleystay halgankii uu bilaabay wixii ka dambeeyay amarkii Madaxweynihiisa ka soo gaaray, isagoona u mahad celiyay dhammaanba ergooyinka ka soo qeyb galay caleema saarka shalay Cadaado ka dhacay.

Dhinaca kale munaasabadda caleema saarka Madaxweyne ayaa ka duwan marka loo eego maamulada kale ee dalka ka dhisan, iyadoo ay muuqatay muhiimadda hoggaanka Dowladda dhexe ay u leedahay, tiiyoo dhanka kale marka laga eego noqoneysa mid aanay u dhameyn dhammaanba maamulada kale ee dalka ayna ka maqnaayeen Jubaland iyo Puntland oo ah hooyada maamulada gobolada dalka.

DAAWO KHUDBADDA WASIIRKA:

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply