Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Col Cabaas Ibrahim Gurey oo kismaayo soo garay iyo qalab u waday oo Airporka Kismaayo

Taliyaha Guutada kowaad ee Ciidamada Xogga Somalia Col Cabaas Ibarim Gureey ayaa waxaa uu manta soo garay magaalada kismaayo ee xaraunta gobolka jubbada hoose.

Col Cabaas ayaa waxaa uu ka soo kicitimay magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa maalmihii ugu danbeyay waxana inta uu magaaladaasi joogay kulamo kala duwan la so qatay Ra’isalwasaaraha Somalia Dr Abdi Farax Shirdoon Saacid iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Xoga Somalia Gen Indhaqorsho.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Kulamadaasi ka dib Col Cabaas ayaa lo dalacsiyay Abandulaha Ciidamada Xogga Somalia ee Gobolada Jubboyinka waxaana lagu wada in u hogaamiyo taliska Ciidamada Xogga Somalia e Gobolada Jubboyinka Maadama Taliyihii lo soo magacaabay Gobolada Jubboyinka Gen Salax Mkooma ay suragaliwaysay in uu ka sii howlgalo gobolada jubboyinka.

Ciidamada Amisom ee ku sugan Airporka Kismaayo ayaa waxaay Col Cabaas Ibrahim mariyeen Controol adag waxaayna ka reebteen 3 borso oo noca waaweyn ah ayado ila iyo hada aan la aqon waxa ku jira borsoyinkaas waxaana borsoyinkaasi col cabaas laga reebtay ka soo baxaya warar kala duwaan .

Wararka qaar ayaa waxaay sheegayaan in Borsoyinkaasi ay ku jireen Darayska Ciidamada Xogga Somalia halka warar kale ay sheegayan in borsoyinkaasi ay ku jireen Mushaar laba bilood ah oo lagu talagalay Ciidamada dowlada ee Kismaayo ku sugan.

Col Cabaas ayaa marki uu soo garay warshada Hilibka ee Magaalada Kismaayo waxaa uu khudbad dheer u jeediyay Ciidamada Daacada u ah waxaana uu u sheegay in ay si rasmi ah uga tirsan yihiin Ciidanka Xogga Somalia Musharaadkoodina la siinaayo.

Sido kal Col Cabaas waxaa uu Amisom ka dalbaday in ay soo celiyaan Gadiid dagaal iyo Ciidamo ka tirsanaa Ciidamadii Warshada Hilibka oo ayagu uu hada Tababar uga socda Saldhigi Ciidamada Cirka ee Madhamaato halkaas oo ay ku tababarayaan Saraakil ka tirsan Amisom.

Lama Oga halka uu xaalku ku danbeyn doono iyo waliba sameynta Col Cabaas Ibrahim Gureey u ku yeelan doona Xaalada Guud ee Magaalada Kismaayo.

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag