Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

C/naasir Seeraar” Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe, wuu caafimaad qabaa, waxbo ma gaarin”

C/naasir Seerar Maax oo goordhow la soo xariiray Ceegaag Online ayaa u xaqiijiyay in Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe uu caafimaad qabo oo uu ka bad baaday weerarkii gar darada ahaa ee ka fashilmay kooxa arxan laawayaasha ee diinta sida khaldan u turjumay.

Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa isagoo caafimaad qaba wuxuu haatan uu ku suggan yahay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Xarunta madaxtooyada sidoo kale waxaa ku suggan masuulyiin uu kamid yhahay Gen Farataag, Macallin Maxamed, iyo xubno kale oo Jubba State ka tirsan.
Ceegaag Online waxay si cad idinku xaqiijineysaa in wararka been abuurka ah ee ay sheegayaan mareegaha qaar ee ah inuu dhaawacmay Madaxweynaha Jubba ay been abuur yihiin.
Warar xaqiiqa ah waxaan ka sugeynaa wariyaasheena Kismaayo oo ku howlana xaqiiqada rasmiga ah ee wararkii ugu dambeeyay ee Kismaayo.

Ceegaag Online-Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag