Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

C/kariin Xuseen Guuleed oo ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug

 04, 2015 (Ceegaag) — Musharax C/kariin Xuseen Guuleed oo murashaxiintii u tartamayay doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa si rasmi ah ugu guuleystay xilkaas, kaddib markii uu wareeggii saddexaad ee doorashada kaga guuleystay murashaxiin ay isku soo hareen oo ahaa Axmed Macallin Fiqi.

Dhagayso Qudbadii Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Qudbadii Cabdikariin guuleed Doorashadiisa Galmudug Dabadeed

Guuleed ayaa helay codadka 49-xildhibaan, halka murashaxa la tartamayay uu isna helay codadka 40-xildhibaan oo ka mid ahaa xubnihii codadkooda dhiibtay, iyadoo intii ay tirintu socotay ay mar qura mashaxarad ka yeertay hoolka doorashada lagu qabanayay, kaddib markii 45-cod uu gaaray C/kariin Guuleed.

Natiijada doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha baarlamaanka Galmudug, isagoo xusay in C/kraiin Xuseen Guuleed uu kusoo baxay doorashada madaxnimo ee maamulka Galmudug, kaddib markii uu helay 49-cod.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku tartamayay 6-murashax, kuwaasoo saddex ka mid ah ay ku hareen wareeggii koowaad, halka murashaxa kale uu ku haray wareeggii labaad iyo murashaxii u darmeeyay oo ku haray wareegga saddexaad oo ahaa kii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug oo ay si aad ah isugu dhow yihiin madaxweynaha DF Somalia ayaa bilihii u dambeeyay dadaal dheeraad ah ugalay sidii xilka madaxweynaha maamulkaas loogu dooran lahaa.

Khudbaddii uu jeediyay C/kariin Xuseen Guuleed Khamiistii lasoo dhaafay ayuu ku sheegay inuu Xoogga saari doono Sugidda Ammaanka deegaannada maamulka uu ka talin doono Galmudug
 

Ceegaag- muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply