Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cilmibaadhe Ingiriis ah oo marlabaad qaybqaybiyay Dhulka Somaalida

Ka dib markii ay dhicisowday rajadii laga qabay in Soomaaliya ay ka dhacaan doorasho hal shaqsi hal cod ah ayaa waxaa cilmi baadhe Ingiriis ah qadaraas lagu sii yay inuu kasoo baaraan dago waxa ay dunidu ka yeelaso shaqaaqada Soomaalida.

Cilmi baadhahan oo lagu magacaabo Jason Mosley qadaraaskana ka qaatay guriga cilmi baadhista ee dalka Ingiriiska u qaabilsan arimaha Afrika ee Chatham House ayaa warbixintiisa waxa uu ugu soo dhuuntay siyaasad xumida hadhaysay dawlada Madaxwayne Xasan Sheekh oo soo martay ilaa sadex Raysalwasaare iyada oo wiigii horena ay xildhibaano ka badan 90 Mudane mooshin ka dhana u gudbiyeen Hogaanka Baarlamaanka.

Warbixinta ayaa gabi ahaanba ku kooban sida ay qabiilada Soomaalidu siiba kuwooda ugu tunka waawayn u doonayaan inay xamaantooda u kala urursadaan, waxaana cadayn buuxda ah in wadanka loo kala qayb qaybiyay. Warbixinta ayaa ku sheegtay sababta Soomaaliya loogu baahan yahay in gobolo laga dhigo is aaminaad daro laga dhaxlay dawladii Milatariga.

Warbixinta ayaa qirtay inaysan jirin heshiis lagu gaadhay in ay dawlada dhexe ee Soomaaliya Awood u leedahay inay maamusho dalka ‘Important questions have been left unaddressed, or have been avoided (particularly since 2012), in pursuit of externally supported goals related to security, and which have promoted a top-down, centrally focused state – and institution-building agenda’ Taasoo ah tabcada ladoonayo in lagu dhufto Soomaaliya si si buuxda loola wareego dhulka ay Soomaalidu ku leedahay Geeska Afrika.

Warbixinta ayaa sheegaty in samayntii Maamulka Jubaland muujisay Awooda ay leedahay dawlada dhexe iyo tan dawlad goboleedka taasoo ay ku qanacsan yihiin dawladaha dariska siiba Itoobiya iyo Kiiniya maadaama ay wiiqaso Awooda dawlada Dhexe ee Soomaliya. Sidoo kale warbixinta ayaad ka dheehan kartaa sidii Soomaaliya looga ilaaliyay inay yeelato Ciidan Qaran oo si buuxda u hanan kara nabadgalyada dalka oo dhan.

Akhriso Warbixinta…..Somalia Federal Future

 

 

 

 

 

Ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply