Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Jubba oo Howlgallo ka Sameeyay inta u dhaxeysa Kismaayo iyo Goobweyn.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal aad loo qorsheeyay oo ay maanta galinkii dambe ilaa iyo xalay  ay Ciidamada xooga Jubba ay ku qaadeen duledka Tuulada Goobweyn oo 13KM dhanka waqooyiga kaga beegan magaalada Kismaayo halkaasoo ay fariisimo ku lahaayeen Maleeshiyaad kala duwan oo kala taabacsan Kooxda Shabaab

 

Howlgalka markii ay ciidamadu ku qaadayeen deegaanka Goobweyn waxaa hawada laga saaray dhamaanba adeegyada Isgaarsiinta magaalada Kismaayo taasoo lagu sheegay inay ahayd arrimo ciidan si aanan xog looga helin howlgalka ciidamada.
Xubno ka tirsan sarakiisha hogaamineysay ciidamada maanta howlgalka ku qaaday fariisimihii Al shabaab ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku soo qab qabteen rag ka tirsan xarakada Alshabaab.

 

Inkastoo ay warar kala duwna ka soo baxayaa tirada rasmiga ah ee ay ciidamadu howlgalka ku soo qab qabteen, ayaa hadanah warar ay Ceegaag saraakiisha ka heshay ayaa sheegaya in ilaa 3 qof iyo hubkoodii lagu soo qabtay howlgalkaasi.
Dhanka maamulka Jubba howlgalka maanta oo waxaa uga dhaawacmay hal askari oo uu soo gaaray dhaawac fudud sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha Ciidamada.
Deegaanka Goobweyn waxaa saacado badan la wareegay ciidamada Maamulka Jubba State kuwaa soo gudaha u galay tuulada Goobweyn, inkastoo ay markii dambe dib uga soo laabteen.

Macallin Maxamed Ibraahim oo ah xubnaha sar sare ee maamulka Jubbaland ayaa maalmo ka hor sheegay inay weerar ku qaadi doonaan degmooyinka, Jamaame, Kamsuuma, Bu’aale iyo deegaanada kale ee ay Shabaab maamulaan.
Sikastaba, degaanka manta ay weerareen ciidamada Jubbaland waxaa isku aruursan jiray maleeshiyaadka is taabacsan ee Shabaab iyo Bare Hiiraale.

Ceegaag Online

Xafiiska wararka kismaayo.

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag