Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Afghanistan oo ka diiday Talaba-aniyiinta inay dib ugu soo noqdaan Magaaladii ugu danbaysay Taliskooda ‘Kunduz’

Ceegaag Oct 01 , 2015: Afgaanistaan. Magaalada Kunduz oo ah magaaladii ugu danbaysay ee laga riixay xoogaga Talabaaniyinta Afgaanistaan sanadkii 2001 da ayay dib u qabsadeen Maalin nimadii Isniinta, iyada oo ay Ciidmadii Afgaanistaaniyiinta ahaa ee ku sugnaa magaaladaa ay badankoodu isku dhiibeen Xoogaga Dagaalyahaniinta Talabaan.

Dib uqabsashada Talabaaniyiinta ee magaalada Kurduz ayaa cadayn u ah in xoogagaa aan laga adkaan oo ay wali yihiin Awood aan marnaba lajabanin, dhinaca kale xoogaga Qarbiga oo Dimoqraadiyadeen ka waday wadankaa ayaa u muuqda in ay dhiigoodii iyo dhaqaalahoodiiba noqday Hal bacaad lagu lisay, kadib marka aad eegto sida ay usoo xoogeesanayaan Talabaanka oo talada laga riixay 14 sandood ka hor.

Ciidmada Afgaanistaan ayaa dib ula wareegay  gacan ku haynta magaaladan iyaga oo taageero ka helaya quwada Maraykanka oo ilaa 10 neeyo kun oo askalri wali kasii joogaan wadankaa. Lawareegida Talabaan ee kurduz ayaa ah mid dhirbaaxo ku ah xukuumada Kaabul oo ay hadheesay khilaaf siyaasadeed tasoo lugta ku haysa Hogaan jileeca madaxwayne Maxamed Ashraf Qaani.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply