Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Chelsea Oo Ku Dooneysa £48million Falcao Kadib Markii Uu Saddex Gool Ka Dhaliyey Kulankii European Super Cup

Radamel Falcao weeraryahanka reer Colombia oo saddexelydii uu ka dhaliyay  Chelsea kulankii European Super Cup ayaa laga yaabaa in uu ku biiro Chelsea  bisha January.

Warar ka imanaya Koofurta America xalay ayaa waxa ay sheegeen in heshiis hore oo u dhexeeyey Atletico Madrid iyo Chelsea uu dhigayay  lacag dhan £48million  ay Chelsea kula wareegto Falcoa.

Falcoa oo 26jir ah ayaa lix gool dhaliyey labadii kulan ee ugu dambeysey ee uu ciyaaro waxana loo arkaa in uu yahay mid kamid ah gool dhaliyaasha ugu qatarsan caalamka.

Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo qura ayaa ka goolal badnaa weeraryahankan reer Colombia horyaalkii La Ligaha.

Hase ahaatee dhibaatoyin dhinaca dhaqaalaha ee haysta Atletico Madrid iyo wakiilka Falcao Jorge Mendes oo sidoo kale madax ka ah soo qaadashada ciyaaryahanada ee Stamford Bridge ayaa suurtogal tahay in Chelsea ay la soo wareegto Falcoa bisha Januaray marka uu suuqa dib u furmo.  

Balse kooxda haysata horyaalka Yurub ayaa si xun loogaga adkaaday kulankii SuperCupka ee jimcihii ay ciyaareen.

Waxana uu ahaa Falcao kan ka mas’uulka ahaa guuldarada isagoo noqday laacibkii saddexley ka dhaliya kulanka Super Cupka tan iyo sanadkii 1935tii.

Chelsea, Barcelona iyo Anzhi Makhachkala ayaa waxa hore u dalbaday ciyaaryahankan reer Colombia balse kooxd Roman Abramovich ayaa u muuqataa in ay tartankaas ay ugu dambayntii ku guuleysatay.

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag