Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Casha sharaf ay Jaaliyada Soomaalida ku dhaqan Nawaaxiga Washington DC ku soo dhaweeyeen Madaxwaynaha iyo marwada 1aad ee Khaatumo

Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan Jaaliyada Soomaalida ku dhaqan nawaaxiga Caasimada dalkan Maraykanka Ayaa lagu qabtay Hodheelka DUNYAH BANQUED HALL. Xafladan ayaa waxaa si aada Soomaalidu u muujisay sida ay uga go’an tahay qadiyada ay reer Khaatumo u taagan yihiin ee ah ilaalinta midnimada umada Soomaaliyeed.

Waxaa xaflada Xidhiidhinayay Cabdirashii M. Faarax oo si aada ugu dheeraaday mahad celin uu u jeediyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee goobta isugu timid sidoo kalena u mahad celiyay Jaaliyada sida gaarka ah iyagu isaga xilsaaray in xafladani ku dhacdo si heer qaran ah.

 

 

 

 

 

 

Waxaa Goobta lagu furay Aayadaha Quraanka Kariimka ah oo uu akhrinayay  Macalin  Maxamuud, Sheekha ayaa waxaa akhriyay ayaadaha ka hadlay Ulul amarka iyo adeecidooda, Kalmadii wacdigana waxaa soo jeediyay  Sheekh Maxamed oo ka hadlay ama ku wacdiyay in taqwada ALLE loo dagdago. 

Waxaa intaa kadib ku hadlay afka jaaliyada nawaaxiga Washington DC Axmed Cali Cumar Sheegoow soona dhaweeyay Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo marwada 1aad ee Khaatumo State, isaga oo hoosta ka xariiqay in midnimada soomaaliya ay tahay lama taabtaan uuna aad ugu faraxsan yahay inuu soo dhaweeye madaxwaynaha gobolada u halgamaya isu haynta Soomaalida.

Waxaa Goobta lagu soo dhaweeyay Cabdisalaan Garjeex oo ka mida Jaaliyada isaga oo ah nin u ololeeya in tashwiishka laga saaro Soomaalida lana adkeeyo midnimada Soomaaliya, “aadbaan u farxaa marka dadka reer Washinton DC isu yimaadaan waayo waxay isugu yimaadaan wax Soomaalida Dantu ugu jirto uun” Garjeex ayaa ku tilmaamay Khaatumo in ay tahay Xabagta isu haysa Soomaaliya. isgaoo kale taageeray nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya ka hanaqaadaya.

 

 

Waxaa Goobta lagu soo dhaweeyay Cabdiqani Xaaji Hirad oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada Khaatumo ee nawaaxiga Washington DC isaga oo ka hadlay Khaatumo iyo Macnaheeda waxa kale oo uu sharxay Xuduudada Khaatumo isaga oo ku dheeraaday sida ay Khaatumo doonaso inay ka mid noqoto nidaamka Federaalka iyo sida uu doonayo in lagu ixtiraamo Rabitaanka dadka deegaanka.

Waxaa goobta loogu yeedhay Abwaan Faadumo Cali Sahal oo tirisay Gabay ay u tirisay Khaatumo iyada kula dardaarmasay Soomaalida iyo reer Khaatumo.

Bulshayahay dad Gacalabaynu nahay gabi aheenteene

Jirid guuna geedbaynu nahay gaar isugu yaale

Gayibaynu wada leenahay iyo muunad gooni ya e

Af-inoogara “diin ” baynu gaar u leenahay e

Anoo guuto 1aad matala gabi ahaantoodba

Inta golaha joogtiyo intii gabi na taageertay

Habbalyiyo salaan gobonimeedbaad gudbinayaaye

………… ha ka dheeraan SOMSAT.TV….

Gabaygaa oo dhamaystiran

Maxamed Cabdi ayaa isagu ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh isaga oo codsi u jeediyay Dawlada Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeedba in gacan la siiyo lana garab istaago maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo.

Sacab iyo sawaxan dabadeed waxaa goobta qudbad taariikhi ah kasoo jeediyay Madaxwaynaha Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh isga oo qudbadiisa ku bilaabay in uusan marnaba diyaar u ahayn in uu gorgrortan ka galo midnimada Soomaalida. Isaga oo ugu baaqay Shacabka soomaaliyeed inay midoobaan si ay wax u noqdaan.

Dhinaca kale wuxuu cadeeyay inay diyaar u yihiin ka maamul ahaan inay lahadlaan marka ay shuruud la’aan uga baxaan deegaanada Khaatumo lana helo cid gayda oo ay ka go’do talada maamulka Somaliland.

Dhanka Maamulka Puntland wuxuu cadeeyay in ay wadahadal la bilaabeen Puntland balse ay adkaatay in ay miradhalaan sababtoo ah Puntland Madaxwayneheeda oo ku adkaystay inuusan ka tanaasulaynin sheegashada deegaanka Khaatumo State.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

One Response to Casha sharaf ay Jaaliyada Soomaalida ku dhaqan Nawaaxiga Washington DC ku soo dhaweeyeen Madaxwaynaha iyo marwada 1aad ee Khaatumo

  1. Pingback: Casha sharaf ay Jaaliyada Soomaalida ku dhaqan Nawaaxiga Washington DC ku soo dhaweeyeen Madaxwaynaha iyo marwada 1aad ee Khaatumo | War La Helyaaba, Talo La Hel

Leave a Reply