Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Caruur farabadan oo Cudurka Jadeecada ugu geeriyootay degmada Hobyo ee gobolka Mudug

Wararka aanu ka helayno degmada Honyo ee gobolka Mudug waxay sheegayaan in caruur tiro ahaan lix gaarsiisan ay degmadaasi ugu geeryoodeen Cuduro saameeyay oo ka dilaacay deegaano badan oo hoos yimaada degmadaasi. 

Caruurtan ayaa la xaqiijiyay in ay u geeriyoodeen Cururka Jadeecada oo ay mudo la xanuunsanayeen waxaana jira caruur kale oo farabadan oo wali la ildaran cudurkan Jadeecad islamarkaana hada Caafimaadkooda aad loola tacaalayo.

Afar ka mid ah Caruurtani u geeriyootay Cudurka Jadeecada waxay ku geeriyootay gudaha degmada Hobyo waxayna ka soo jeedeen qoysas danyar ah oo aan awoodin in ay Caafimaadka caruurtan la tacaalaan dawadoodana ay iska bixiyaan sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Shariif Shire Shuuriye oo ka mida dadka deegaanka wuxuuna kaloo carabaabay in degmada uu ku yaryahay ama ay ku liidato dhinaca Caafimaadka.

Marka laga soo tago caruurtan geeriyootay waxaa iyaguna jira Caruur farabadan oo wali la ildaran Cudurkan Jadeecada oo dhawaan ka dilaacay deegaano badan oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxayna dadka deegaanku codsanayaan in gargaaro dawo ah lala soo gaaro si loo badbaadiyo Caruurta kale ee wali xanuunku uu hayo.

Cali dhagjar

Ceegaag.com

Buuhoodle

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag