Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cabdiwali Maxamed Gaas Hogaamiye ay Puntland u bahantahay Maanta

Wararka baryahan danbe laysla dhexmarayo ayaa sheegaya inuu Cabdiwali Maxamed Gaas oo ah raysalwasaarihii dalka ka saaray ku meelgaadhnimada uu daneenayo inuu u tartamo jagada madaxwaynenimo ee maamul goboleedka Soomaaliya Puntland arintan oo ah war aad ay ugu farxeen dadka daneeye arimaha Puntland.

Maamulka Puntland oo haatan ah maamulka ugu tunka wayn maamulada ka jira Soomaaliya dhinaca awooda Ciidan Dhaqaale iyo siyaasadeedba ahna Hooyadii dib u curashada Soomaaliya ayaa isu diyaarinaya doorashada madaxwaynaha maamulkaa iyada oo ay jirto xasaasiyad aad u xoogbadan oo u dhaxaysa maamulkaa iyo dawlada dhexe ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale dhul uu ka talin jiray maamulkan ayaa waxaa hada ka arimiya maamulka Khaatumo oo dagaal hubaysan kula jira maamulka Somaliland oo xoog kaga qabsaday Puntland dhul ay ku jirto Laascaanood,  su’aasha ayaa ah marhadii baarlamanka lagusoo xulayo habbeeleed beelihii reer Puntland kala hiloobeen sidee noqonayaa saami qaybsiga awooda ee baarlamaanka Puntland? oo dooran doona madaxwaynaha maamulkaa.

Dadka siyaasada adorasa ayaa ku tilmaamay nasiib wanaag in RW. Gaas go’aansaday inuu khibradiisa ku soo guryo ciyo deegaanadiisa.

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag