Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ” Maamulka Jubaland iyo Ahmed Madoobe sharci ayaa lagu doortay, balse raga kasoo horjeeda Xamar ayaa laga soo diray ”

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen hadda ku dhaw da’da 90-jirka ayaa waxaa uu warbaahinta VOA- Laanteeda Soomaalida la hadasho u sheegay sida uu u arko maamulka Jubaland iyo doorashadii uu kusoo baxay Axmed Madoobe iyo raga kale ee xilkaasi la sheegtay.

Cabdirisaq Xaaji Xuseen ayaa waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay in maamulka Jubaland uu waafaqsan yahay dhismihiisa dastuurka federaalka ah ee dalk Soomaaliya loo sameeyey. Waxaana uu sheegay inay dhisteen maamulkaasi dadka deegaanka oo si sharci ah ugu sameystay maamul wax ka qabta baahidooda maamul.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Axmed Madoobe uu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee maamulka Jubaland wixii ka soo harana ay yihiin rag fowdo wada oo laga soo abaabulay magaalada Muqdisho, isagoona si gaar ah ugu eedeeyey inay dowlada Soomaaliya ragaasi usoo dirtay inay dhib ka abuuraan Kismaayo  iyo maamulkaasi dadku ay dhisteen.

” Axmed Madoobe sharci ayaa lagu doortay, maamulka uu madaxda ka yahayna waa mid waafaqsan oo la jaanqaadaya dastuurka federaalka ah ee dalka u yaal. Marka aan sidaasi leeyahay waxaan soo xiganayaa ragii la tartamayey Axmed Madoobe waxaa ka mid ahaa Shiikh Shakuul oo ah ganacsade aan ka ah Kenya iyo Somaaliya kaasi oo markii uu arkay in awooda doorashada uu kusoo baxayo Axmed Madoobe uu isaga haray doorashada, isagoona taageeray qaabka ninkaasi lagu doortay. Sidaasi darteed ragan kale ee 4-ta ah ee kadib xilka iska sheegtay waa kuwa Muqdisho laga soo diray, rabana inay  dhib un ka shaqeeyaan oo dowlada ayaa sidaasi usoo wakiilatay” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Dowlada Soomaaliya ayuu Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ku amaanay dadaalkeeda xirirkii caalamiga ahaa oo ay dib usoo celisay, isagoona sheegay inay dowladan ku fiican tahay marka laga hadalyo arrimaha dibada. Balse waxaa uu sheegay inay dhibaato xoogan ka heysato arrimaha gudaha oo ay ugu horeeyaan ammaanka iyo arrimaha maamul u sameynta Jubooyinka.

” Dowlada arrimo lagu ammaano ayey ka sameysay xiriirka dibada , waxaana dhihi karaa guulo la taaban karo ayey ka gaartay intii yareyd oo ay jirtay, balse waxaa heysta guuldaro midii ugu weyneyd oo kasoo wajaheysa gobollada dalka Soomaaliya gaar ahaan Jubaland oo ay ku mashquushay, waliba ay u abaabushay nidaam looga hortegayo oo fowdeysan ” ayuu yiri Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Ra’iisul wasaare hore oo Soomaaliyeed.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen eedeynta uu jeedinayo waxaan isagana ka nabadgelin madaxweynaha Puntland Dr, Abdirahmaan Faroole kaasi oo uu sheegay in qaab beeleed uu ku garabtaagan yahay maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe, isagoona arrintaasi ka leh mid siyaasadeed oo uu rabo inuu kusoo galo doorashada Puntland.

” Abdirahmaan Faroole waxaa uu sameynayaa nidaam qaldan oo qabyaaladeed. Waxa uu maamulka Axmed Madoobe si cad meel fagaaro ah oo Nairobi uga sheegay inuu taageerayo, isagoo taasi qabiil ahaan ku muujiyey. Siyaasad ayuuna arrintaasi ka leeyahay waana inuu rabo inuu reer Puntland isaga dhigo nin u taagan danta Daarood oo ka celiyey qaska laga soo abaabulo Xamar, laakiin taasi lafteeda ayaaba dhib ugu filan dadka wada degan Jubooyinka kuwaasi oo aan Daarood un aheyn” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa mar uu ka hadlayey xilliga uu ku noqonayo Soomaaliya ayuu sheegay inuu jecel yahay sida ugu dhaqsiyaha badan balse uusan arkin hadda safar uu ku aadi karo Soomaaliya. Waxaana uu  intaasi raaciyey in noloshiisa inta ka dhiman uu la jecel yahay Soomaaliya oo nabad ah.

Hadalka mas’uulkan kasoo mid ahaan jiray madaxdii ugu horeysay Soomaaliya waliba xillii ay dowlada Soomaaliya ugub aheyd ayaa waxaa uu noqonayaa mid miisaan culus leh. Waxaana la ogeyn sida ay wax ugu qaadan doonaan madaxda siyaasadeed ee maanta maamulka Jubaland ku muransan oo ay ugu horeeyaan Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe.

ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag