Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cabdi naasir seeraar oo Ka hadlay Been abuurkii Ciidamada kenya “Beeni Raad laqaboto Malahan”

 Abdi Naasir Seeraar oo ah afhayeenka Maamulka Jubba land ayaa manta waxa uu shir jara’id ku qabtay Hoteelka weyn ee loo yaqaan GOLDEN BEACH ( Hotel Qiilmawaaye),

Ugu horeentii Afhayeenka maamulka Jubbland Seerar waxa uu kawar bixiyay xaalada guud ee Gobalka Jubbalada Hoose iyo magalda Kismaayo asagoo sheegay in aay san jirin wax dhib ah oo aan hatan ka taagneen Magalada Kismaayo kadib dagalo aay lagaleen maleeshuyaad uu horkacayay Coll Bare Hiiraale,

Waxa kaloo uu sheegay Cabdi naasir seerar in aay manta garbaha is haaystaan Qaar kamid ah ciidamada Dowlada iyo Al Shabbaab taasi oo ah mid ka yaabisay caalamka oo dhan,

Waxa uu intaa ku daray afhayeenka Dagaaldaii dhacay 7/6/2013 in aay soo abbaabushay Dowlada Soomaaliya dagaalkaasi waxaa ku jiray qaar kamid ah ilaalada khaas ka u ah wasiirka Gaashaandhiga oo aay Dowladu usoo adeegsatay in uu colaad u badalo xaalada kismaayo oo xiligaa ka hor ahayd mid dagan.

 

HALKAN KA DHAGEEYSO CODKA   Seeraar

Waxaa uu cadeeyay in aaysan ciidamada Kenya ka Qeeb qaadan Dagaalkii udhexeeya Maamulka Jubbland iyo Qaswade Bare Aadan Shire Bare Hiiraale.

Waxa uu ugu baaqay shacabka reer Kismaayo Dhamaan dadkii ka Qaxay magaalada Kismaayo in aay dib ugu soo noqdaan magalda iyo Dhalinyaradii la khalday ee raacay Bare Hiiraale iyo Al Shabbaab.

Shirkan Jaraa’id waxa uu ku soo beegmayaa Hadal  ka soo yeeray Bare Hiiraale oo ahaa in aay midowbeen Ayaga iyo Al Shabbaab.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

2 Responses to Cabdi naasir seeraar oo Ka hadlay Been abuurkii Ciidamada kenya “Beeni Raad laqaboto Malahan”