Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cabdi-Baaley iyo Iftin Xasan Baasto oo Muqdisho loo soo masaafuriyay “Warbixin”

Ciidamada Kenya ayaa maanta saddex ka mid ah ragii sheegtay inay yihiin Madaxweynaha Jubaland u soo musaafuriyay magaalada Muqdisho, iyadoo labo diyaaradood ay garoonka diyaaradaha Kismaayo ka soo qaaday dhaawacyo gaaraya ilaa lixdan ruux oo dagaaladii u dambeeyay ku dhaawacmay.

Dhaawacyada oo u badnaa dad rayid ah ayaa badankood la dhigay Isbitaalka AMISOM iyo Xalane, halka tobaneeyo kalena la geeyay Isbitaalka Madiina, halkaasoo lagu dabiibayo.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradahan ay galabta keeneen Iftin Xasan Baasto, Cumar Buraale iyo Cabdi Baalley oo dhowaan ciidamada AMISOM isu dhiibeen, markii dagaalka ka dhacay Kismaayo looga awood roonaaday dhinacyadii ka soo horjeeday Maamulka Jubbland.

Sababahan raggan laga musaafuriyay magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inay ka dambeysay markii laga cabsaday in magaalada lagu qaarijiyo, taasna ay si gaar ah mas’uuliyad isaga saareen ciidamada Kenya in meel ka baxsan Kismaayo geeyaan.

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa maanta ah mid degan, kadib Afar maalmood oo dagaalo iyo duqeymo dad badan ku dhinteen uu ka dhacay magaalada,

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag