Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Bulxan & Gurxan (Murtisoor): Taageerada Xassan ‘C’ Madaxwayne Xasan Sheekh? W/Q: Axmed-Assad

BULXAN:
Gurxanoow, Waxa Laga Yaabbaa In Aadan Dawladda Hadda Jirta U Boggin, Ku Dhalliilsan Tahay Karti Darro, Musuqmaasuq, Ama Aad Godobbo Kale Ka Tirsanayso. Haseyeeshee, Walaal Ogoow Wadankeenii Maanta Khatar Buu Ku Jirraa.  Walaal Candhuuftaada Hal Mar Dib Ma U Liqi Kartaa? Fadlan Maanta Ha Eegin Waxaad Gocanaysay Oo Dhan. Waxa Ina Soo Food Saartay Khatar Wayn Oo Aynu Ku Baabi’i Karno.  Hadaynaan Garasho Sare La Imaanina Waxaa Dhici Doonta Inaynu U Mudaharaaddi Doonno In Afka Soomaaliga Loo Aqoonsado Luqad Qaran Oo Xuquuq Leh Sidii Bangaaladheesh Waagii Ay Pakistan Ka Midka Ahayd Oo Kale!
Gurxanoow, Waan Ku Baryayaaye Maanta Oo Kaliya Ma Noqon Kartaa AHUN C/Risaaq X.  Xuseen Oo Kale?  Waxaa Laga Yaabbaa In Dadkuu Ka Soo Jeedday Jeclaayeen Sidii Caadadu Ahayd In Lagu Aaso Halkuu Ku Dhashay Gaalkacyo Ama Garoowe. Haseyeeshee, Wuxuu Ahaa Abwaan Siyaasadeed Oo Hal-Abuur Wanaagsan Leh Oo Wadani Ah.  Wuxuu In Saaxiibkii Agtiisa Lagu Aaso Ugu Dardaarmay Inuu Inna Barro Casharka 1aad ee Soomaalinimo 101. Casharkaa Dhigganaye Alle Haynagu Anfaco, Isagana Xassanaad Alle Ha Haka Siiyo.  Haddaba, Gurxanoow, Adiga Maanta Waxaan Kaaga Fadhiyaa Casharka  Soomaalinimo 102 Oo Ciwaankiisu Yahay Ku Dayo C/Risaaq.
Walaalkayoow, Bal Ka Waran 1988 & 1990 Hadaynu Keenni Lahayn Hal Abuur Ka Wanaagsan Kaynu La Nimi Ee Lagu Hooggay? Hadda Ogoow Siyaad Barre Noloshiisii Wax Yar Baa Ka Harsanayd, Laakiin Nasiib Darro Maynu Ogayn Taas.
Walaal Maanta Samir Yeello, Ha Collaadin Dawladda Hadda Jirta, La Shaqee Haddaad Karto, Toosi Haday Ku Yeesho, Hadday Ku Diiddana U Duccee In Illaahay Xaqa Tuso.  Aadan Galaydh Oo Ahaa Nin Aad U Qab & Kibir Badnaa Waxaa Laga Hayaa “Maalintaan Tamar Hayay Talo Ma Hayn, Maanta Oon Talo Hayana Tamar Ma Hayo, Aduun I Khatal”.  Haddaad I Maqli Waydo Oo Aad Wax Dhaliilaysose, Dhalliil Adigoo Af-Gobaadsanaya Laakiin Haku Talax Taggin, Waxa La Yiri “Timaha Xiir, Xaragana Haka Taggin”.
Gurxanoow Waxaan Hadalka Ku soo Gabagabaynayaa, Iftiin Yar Baa Inoo Baxaya e Walaaloow Adigu Afkaaga Haku Bakhtiin. Ogowna Hadday Dawladani Innaga Burburto, Halka Aynu Dib Ugu Noqon Karno Waad Taqaanaa Iyadoo Waliba 2 Jibaaaran.  Haddaba Walaalkayoow, Fadlan Illa dhis, Illa Caawi, Illa Toosi, Illa Taageer Dawladda Si Ay Soomaaliya U Badbaaddo.
GURXAN:
Markaan Arkay Waxaad Malmaluuqday, Markaan Dhuuxay Dulucdaada Hoose, Ee Aan Dhan Walba Ka Eagay, Mar Waxaa I Qabtay Ma Ku Fatahdaa Sida Wabiga,  Marna Waxa I Qabatay Qiirro Wadaniyeed. Labadoodii Markaan Is Garab Dhiggayna Innaan Rag-Iska-Dhiciyo, Soomaalinimo Ayaan Ka Doortay. Haddaba,  Bulxanoon Maanta Dalkaygaan U  Tanaasulaye Ha Iga Mooddin Nacasnimo. Haseyeeshee, Waxa La Yiri Dumarkaa Aamuska Lagu Meheriyaaye, Wax Yar Uun Baan Ka Codsanayaa Xassan Culusoow:
1-      Yusur Abraar Wixii Xilka Lahaa Ee Ay Ka Carartay Oo Kale Mar Dambe Yay Dhicin!
2-      Hubka UN Sheegtay Ee Reerkaaga Lagu Eedeeyaay Haddaadan Ogayn, Waad Hurudaaye Toos!
3-      Ninka Jaggada Sare Haya Ee Haddana Gabadha Gurigeeda Boobka Ku Haysta Naga Astur!
4-      Kaaliyeyaashaada Hoose Soomaali Oo Dhammi Ha Iska Dhex Aragto!
5-      Faarax C/Qaadir Soomaalidu Way War Badan Tahaye Yaan Lagugu Dirine Ku Faro Adayg!
6-      Nin Af-Macaan Baad Tahaye Ficil Macaan Ku Darso!
7-      Tarsan, Tartan Mooyeena Yaan Talaabo Kale Lagu Badalin!
8-    C/Risaaq Xaaji Xuseen Ugu Magac Dar Wadadda Ugu Wayn Muqdisho!
9-      Shirka Baydhabo Yaan Eeedi Kaa Raacaan Sidii Kii Kismaanyoode Aad U Taxadar
10- Aniguna Markay Dawladu Hirgasho Ayaan Masaf Dhaliillo Ah Soo Hurgufi Doonnaa Waa Innoo Ballan!
 W/Q: Axmed-Assad, Barmaamijkii Murtsoor (Bulxan & Gurxan)
Email: Ahmedy98@yahoo.com , Facebook: Murtisoor , twitter: AxmedAssad

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply