Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Bulshada Rayidka iyo Warbaahinta oo ka wada Hadley Kaalinta kaga aadan Horumarinta Dalka.

Aqoon Iswaydaarsiga oo ay soo Agaasimeen Hay’adda Internews iyo Jaamacada Muqdisho, waxaana ka soo qayb galay Ururada Bulshada Rayidka qaybahooda kala duwan, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Bahda Warbaahinta Muqdisho.

Ugu horayn waxaa kulanka furay Cabdi Qaasim Macalin Axmed oo ku hadlay magaca Hay’ada Internews oo marti gelisay kulanka, waxa uu u mahadceliyey dhamaan ka soo qaybgalayaashii, waxa uuna sheegay in ujeedadoodu tahay  sidii ay meel isugu keeni lahaayeen Bulshada Rayidka iyo Warbaahinta  ee ka howl gasha Soomaaliya gaar ahaan tan Magaalada Muqdisho si looga wada hadlo Horumarinta Dalka oo cid walba masuuliyadi ka saaran tahay.

Intaa ka dib waxaa hadalka qaatay Prof Cabdiraxmaan Badawi oo ka socday Jaamacada Muqdisho, waxa uuna ku dheeraaday macnaha Horumarka, waxa uu hoosta ka xariiqay in horumarku qeexitaano badan leeyahay.

“Horumaku waa in la sameeyo dadaalo fara badan oo lagu xoojinayo Bulshada iyo Dowlada si loo waafajiyo Xaalada Dhaqaale ee dadka, Arimaha Bulshada sida Caafimadka iyo Waxbarashada iyo weliba Dhaqanka iyo Afafka” sidoo kale Horumar  waa isbedel Qorshaysan oo Bulshada iyo Dowlada lagu sameeyo iyadoo laga guurayo halkii la joogey loona degayo meel ka wanaagsan iyadoo Aqoonta iyo Cilmigu shaqaynayaan”.

Waxaa kaloo madasha ka hadlay kuna hadlaysay magaca Bulshada Rayidka Duniyo Max’ed Cali Carshaan, waxay ka hadashay Waxqabadka Bulshada Rayidka tan iyo markii ay meesha ka baxday Dowladii dhexe ee Soomaaliya,

 “Bulshda Rayidku waxay Hormuud ka ahayd Dib u Heshiin badan oo Soomaliya ka dhacday iyo waliba shirarkii isdaba jooga ahaa ee dhinaca Siyaasada ee ka dhacay magaalooyinka Carte, Jabuuti, Nairobi iyo Dalka gudihiisa gaar ahaan doorashadi Taariikhiga ahayd ee lagu doortay madaxda uu maanta dalku leeyahay oo uu ugu horeeyo Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxaana laga doodayey sida ay Warbaahinta oo kaashanaysa Bulshada Rayidka ay uga qayb qaadan karaan Horumarka Dalka. Waxaana hadalka qaatay Cabdinaasir Xirsi Iidle oo ka mid ah Weriyaasha ka howl gala Magaalada Muqdsho, waxaanu yiri.

“ Waxaan rumaysanahay in Warbaahinta Soomaaliya ay tahay Maanta markii ay ugu wanaagsanayd ka dib dhibaatooyn badan oo warbaahinta soo wajahay inkastoo ay dhliilo jiraan haday ahaan lahayd dhinacyada Dhaqaalaha, Amniga iyo Tababarada”

Iidle waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri.“Inkastoo ay Warbaahinta Soomaaliya gaar ahaan tan Muqdisho wax badan qabatay oo ay Dadwaynaha Wacyigeliso, hadana waxaa laga doonayaa iney isweydiiyaan oo ay ka doodaan sababta ay Horumarka la taaban karo u gaareen sanado yar gudahood  Wadamada Malaysiya, Sacuudi Caraabiya, Imaaraadka Carabta, Qadar, Kuwayt IWM kuwaas oo ah kuwo lagu dayan karo”

Kulanka waxaa kaloo ka hadlay Cabdulaahi Max’ed Shirwac oo Madax ka ah Dalladda SOSCENSA waxa uuna amaan u soo jeediyey Warbaahinta, isagoo xusay iney markii hore Warbaahinta iyo Bulshada Rayidkaba cabsi jirtay hadase ay yaraatay. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay  sida aanay marnaba u kala maarmin oo ay ilaa iyo hadda u wada shaqeeyaan Warbaahinta iyo Bulshada Rayidka.

Mr. Shirwac waxa uu dhinaca kale ku booriyey Hay’ada Internews in kulamada noocaan oo kale ay keenaan Dad metela Hay’adaha Dowliga ah ee ka jira Dalka sida kuwa Cadaalada, Garsoorka iyo Amniga si ay soo baxaan wax wanaagsan ayna u sahlaaato in lawada shaqeeyo si Dadka iyo Dadka loo Horemariyo.

C/naasir Yuusuf Macalin

Muqdisha Soomaaliya

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply