Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Boqol beri kaddib!! Garguurtoow barasho wanaagsan!! “Waa jugjug meeshaada joog”

Inkastoo wakhti aad u fara badan la naawilayay ama la rajeynayay sidii mar uun looga bixi lahaa xilligii KMG-nimada oo ahaa wakhti aad u dhib badan oo ay Soomaalidu si weyn u nacday ayaa nasiib wanaag waxaa suuragashay 10-kii September ee sanadkaan in xididada loo siibo hannaankii dowladnimo ee ku dhisnaa KMG-nimada, kaddib kolkii uu dhacay xilligaasi isbedelkii ugu weynaa ee waayihii KMG-nimada iyo kala guurka lagaga baxayay, iyadoo wakhtigaasina la doortay Madaxweyne hoggaamiya dowlad rasmi ah.

Madaxweynenimada lagula kala wareegayay waxay ahaayeen dhacdooyin aad u qurux badan oo lagu faani karo, waxayna arrimahaasi shacbiga Soomaaliyeed geliyeen falxad iyo rajo cusub, waxaana meel walba oo Soomaali joogto ka bilowday dabaal degyo lagu soo dhoweynayay isbedelkaasi dhacay iyo ka gudubka xilligii KMG-nimada oo Soomaaliya ka haray.

Sida lagu yaqaano siyaasadda iyo siyaasigu waxaa iska caadi ah in marka isbedel uu dhaco madaxda cusub ee timaada in loo maalmo tiriyo si looga cabir qaato qaabka uu noqon karo mustaqbalka waxqabadka mas’uuliyiintaasi cusub, maxaa yeelay waxaa xaqiiqo ah guusha hoggaamiye walba waxay ku xiran tahay hadba sida uu wax u maareeyo bilaha ugu horeeya ee xafiiska qabto.

Madaxweynaha la soo doortay ee Dowladda federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud Garguurte, waxa uu haatan dib u liqay boqolkii maalmood ee ugu horeeyay ee uu fadhiyay xafiiska ugu sareeya ee Qaranka Soomaaliya, waxaana 19-ka bishaan oo dhowr cisho oo kaliya ay naga xigto u buuxsameyso boqolkaasi cisho, sidaasi daraadeed waxaa isweydiin mudan mudadaasi uu Xasan Sheekh Madaxweyne Soomaaliya u ahaa maxaa lagu bartay?!!, ma inuu hoggaamiye fiican yahay? Mise inuu yahay aqoonyahan lagu qaldamay doorashadii la doortay?, Jawaabta su’aalahaan is barabar yaala si aan caddeyn ugu helno midda uu Madaxweynuhu ku sifoobay bal aan dib u milicsano hab dhaqanka iyo shaqooyinkii uu Madaxweynuhu sameeyay tan iyo intii dhowaan la doortay.

Howlihii loo igmaday ee xilka Madaxweynenimada loogu ishaartay Xasan Sheekh waxaa ugu weynaa inuu si degdeg ah gacan bir ah ugu qabto dhinaca amniga, balse baahidii ugu ballaarneyd ee Soomaaliya ka jirtay shalay markii Prof. Garguurte la dooranayay waxay ahayd dhinaca amniga, maanta oo saddex bilood iyo dhowr maalmood ay ka soo wareegtay waxaa weli dadka Soomaaliyeed dubanaya amni xumadii jirtay iyo mid ka sii daran, waxaana maalin walba kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ay si micno darro ah u dilaan cidii ay doonaan, gaar ahaan dadka waxgalka ah, iyagoo isla markaana geysta qaraxyo iwm, waxaana dhanka kale wakhti walba la dhacaa dadka shacabka ah iyadoo falalkaasina ay ku lug leeyihiin askartii Dowladda oo ku labisan Unifomkii ciidamada, taasi oo muwaadin walba oo Soomaaliyeed ku heysa cabsi lixaad leh iyo mooraal jab aad u xun.

Amniga ka sokow haddii la qiimeeyo arrimaha kale ee uu Madaxweynuhu ku dhacay boqolkii beri ee uu hoggaaminayay dalka waxaa ka mid ah ka warqab la’aanta umadiisa, ka talo qaadasho la’aanta inta waxgalka ah, la socod la’aanta arrimaha ciidamada qalabka sida oo ku aadan dhiirigelintooda iyo tayeyntooda, ogaal la’aanta ka heysata howlaha ka socda dalka ee isugu jira qeyla-dhaanta Xildhibaanada, rabitaanka dadka Jubaland, siyaasadaha is diidan ee Puntland ka socda, halka ay taagan tahay xaaladda Al-Shabaab, kala jiidashada wadamada caalamka ee arrimaha Soomaaliya, ku takri falka ka jira xaruntiisa Madaxtooyada Villa Somalia iyo wixii soo raca.

Waa hubanti dad badan oo sacabadu ay la xanuuneen sidii ay ugu sacbinayeen darteed iyo kuwo uu afku la qalalay sidii ay u taageerayeen awgeed Madaxweyne Xasan Sheekh markii la doortay kaddib in maanta ay shallaay ka joogaan sidii ay moodayeen Madaxweynaha iyo sida uu iminka ku soo baxay, waxaana run ah in shacab fara badan iyo mas’uuliyiin aan yareyn inay kalsoonidii ay u hayeen dib ugala noqdeen, kaddib kolkii ay arkeen dadaal yarida uu ku sifoobay Madaxweynihii ay rajada weyn ka qabeen.

Inta ay taariikhdu qormeyso qof walba oo mas’uul noqda waxaa lagu bartaa wanaag ama waxaa lagu xasuusan doonaa xumaan iyo dib u dhac, sidaasi daraadeed Madaxweyne Xasan Sheekh boqolkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa lagu bartay oo uu shacbiga Soomaaliyeed leeyahay barasho wanaagsan sida uu ugu dhiiraday in xukuumadda oo idil gaar ahaan Wasaaradihii muhiimka ahaa sida arrimaha gudaha iyo amniga, cadaaladda iyo garsoorka, arrimaha dibadda iyo madaxtooyada uu ugu kala meeleeyay xubno ka tirsan Xisbigiisa DAMUL-JADIID iyo shaqsiyaadkii ku dhowdhowaa xisbigaasi, kuwaasi oo ah shaqsiyaad aan waaya aragnimo fiican u lahayn dhanka siyaasadda.

Arrimaha kale ee Madaxweynaha lagu bartay waxaa kaloo laga xusi karaa la kulanka iyo buun buuninta kooxo ururro bulsho ah oo isaga af taqaan, xiiseynta qaabilaadaha uu u sameeyo diblomaasiyiinta dalka soo booqata ee ku hadasha afka Ingiriiska maadaama la sheego inaanu isagu aqoonin afka Carabiga oo ah luqadda labaad ee dalka hooyo.

Dhacdooyinka kale ee la soo qaadan karo ee Madaxweynaha lagu bartay waxaa ka mid ah hurdo badan, is tirtir aan xad lahayn, qosol joogto ah, gacan maran oo iska taagan, qudbado mararka qaarkood u muuqda in qeybo dowladda ka mid ah lagu bah dilayo sidii uu yahay nin mucaarad ah oo kale, qunyar socodnimo u horseeday inuu booqan waayo magaalooyinka ay dowladdu la wareegto, u danqasho la’aanta shaqaalaha Dowladda oo weli qaar badan uu mushaarku ka maqan yahay, bixin la’aanta deymihii lagu lahaa dowladdii hore iyo arrimo kale oo kuwaasi la mid ah.

Marka loo fiiriyo arrimaha aan kor ku soo xusnay waxaa muwaadin walba u soo baxaya muuqaalka runta ah ee Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la dhihi karaa Madaxweynaha xilligaan waxa uu ka hoos maray Madaxweynayaashii ka horeeyay ee la daalaa dhici jiray wakhtigii KMG-nimada, waxaana wax laga welwelo ah haddii bilow xumadaan ay ku dhacday hoggaamiyihii Soomaaliya ee la sheegayay inuu ehel u yahay aqoon waxa mustaqbalka laga sugio karo, ruuxna ma ogaan karo berri waxay noqon doonto balse waa la sii odorosi karaa sidaasi awgeed ma filayo haddii uusan isbedel la imaan Madaxweynuhu inaan looga fadhiyin inuu horumar u horseedo Soomaaliya.

Waa suuragal taageerayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh in qormadaan dhab ka hadalka ah ay raalli gelin weydo, ha yeeshee waxaa taageerayaashaasi la gudboon halkii ay qormadaan ka caroon lahaayeen inay saxaan haddiiba ay suuragal u tahay bilowga aan fiicneyn ee Madaxweynuhu ku socdo, maxaa yeelay qalad waa dhacaa waana la saxaa balse waxaa ayaan darro ah in qofka mas’uulka ahi runta loo sheegi waayo isla markaana dhaliilihiisa la tusi waayo.

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in boqolkii maalmood ee ugu horeeyay ee Dowladda cusub inaan sidii ugu habooneyd looga faa’iideysan, sheekaduna ay u eg tahay JUGJUG MEESHAADA JOOG, waxaase ugu dambeyntii Ilaah ka baryeynaa in wakhtiga soo socda uusan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaafin qaab darrada ay iminka wax ku bilowday.

 

Waxaa Qoray:-
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil37@hotmail.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag