Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

BISHAAN IYO BUUGGII BAYDHABO qore:Cabdinaasir Yuusuf Macalin

Waa hoteelka Horyaal ee magaalada Baydhabo,sida caadada ah waxaa hoteelka soo buux dhaafiyay aqoonyahaanno,siyaasiyiin,arday iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si ay uga qayb galaan Madasha Qoraaga iyo Buuggiisa oo ah madal ay iska kaashadaan soona agaasimaan Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya iyo Hay`adda New Horizon,waa madal bil walibaa lagu casuumo qoraa iyo buuggiisa .
Waxaa si aad ah loo wada sugaayay qoraaga bishaan martida ku ah barnaamijka iyo buuggiisa,markii lagu dhawaaqay in Buugga madasha yaalla uu yahay XIKMADDA NOLASHA,ayaa markaliya Sacab,farxad iyo istaag la isku daray .
Qoraaga buugga Al-ustaad Cabdinaasir Yuusuf Macallin ayaa madasha lagu soo dhoweeyay oo faalla guud kabixiyay cutubyada buugga uu ka koobanyahay,sababta uu magacaani u qaatay,waqtiga ay ku qaadatay qoridda buugga iyo guulaha uu keenay buugga soo bixistiisa kadib .
Aqoonyahaannadii kasoo qaybgalay madasha ayaa ku tilmaamay buugga inuuyahay mid saamayn ballaaran leh loona baahnaa in buug noocaani ah bulashada loosoo bandhigo,iyagoo qoraaga kaga mahadceliyay sida uu isaga xilsaaray diiwaangalinta iyo uruurinta erayadii kusoo kordhay afkeenna bur burkii kadib,waxayna qoraaga kula dardaarmeen haddii ay suurtagal tahay in buugga uu kasoo sameeyo qayb labaad oo sida kan xogaha kala duwan loogu soo uruuriyay isna kulmiyo .
Waxaa loo soo dareeray gabagabada madasha kadib iibsashada buugga,sida caadada u ahayd dadka reer Baydhabo qofkastaa oo madashada soo xaadiray buugga kama tagin oo horay ayuu gacanta ugu sii qaatay,waxaa ayna Baydhabo noqotay halkii loogu iibsiga badnaa Buugga,waxaa halkaasi laga qaadan karaa sida dadka reer Baydhabo ay uga go`antahay xoojinta iyo daryeelidda Hal abuurka ku qoran afka hooyo .
Qalinkii : Guddoomiye ku xigeenka Naadiga Hillin-hayaan
Iqra Aadan Dibiq “Hidda Raac”

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply