Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Beesha Xuseen siciid (Hayaag) oo kulan madaxda Khatumo ugu qabtay Caasimada

Kulankan oo ay soo qaban qaabisey beesha Hayaag ee ku dhaqan gobolka Banaadir, ujeedadiisuna ahayd isbarasho iyo xog-waran xaalada guud ee Khaatumo ayaa waxaa goob-joog ka ahaa madaxweynaha Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, madaxweynihii hore ee Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-sheel),  xildhibaano,  siyaasiyiin, haween, dhalinyaro iyo waxgarad kale.

Mas’uuliyiin u hadlay beesha ayaa sheegay in ay la socdaan xaalada guud ee kajirta deeganada Khaatumo islamarkaana ay diyaar u yihiin gacan siinta iyo taageerada maamulka Khaatumo.

Madaxweyne Galaydh oo munaasibada soo xidhay ayaa ku dheeraaday xaalada maamulka Khaatumo, horumarka uu dhinacyo badan ka sameeyey mudadii uu jirey iyo qorshahiisa ku aadan soo celinta deegaanada ka maqan maamulka.

Xiriirka dowlada dhexe ayuu sheegay in meel wanaagsan hadda uu marayo sidoo kalena uu ku raJo weynyahay in dhawaan Khaatumo ku talaabsan doonto horumar dhinaca siyaasadda ah.

Madaxweyne Galaydh waxa uu sheegay in xukuumada Khaatumo ay hawlo muhiim ah kawado deegaanada Khaatumo , isagoo xusay in xukuumada ay ka go’antahay fulinta hawlaha baaxada leh ee horyaala.

Adam Jama Ahmed Muqdisho

 

Xigasho:Daldoon

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply