Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

BAYAAN -DAREENKA DADKA: Gobolka J/Dhexe: booqashadii Madaxweyne Farmaajo kadib.

Marka hore, anagoo ah Dadka reer Jubbada Dhexe (J/Dhexe) ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya, waxaan soo dhawaynaynaa booqashadii: Madaxweyne Farmaajo uu dhawaan ku tagay Magaalada Kismaayo.  Madaxweynaha waxaa loo sameeyey soo dhawayn qurux badan iyo maamuus heer sare ah. Taasna waan soo dhawaynaynaa.

Sida la soo wariyey Farmaajo iyo Madoobe waxay isu heleen wakhti fiican iyo firaaqo. Waxaa la sheegay inay wax badan isku akhriyeen! Hayeeshee  waxaan halkan ka cadaynaynaa booqashadaas iyo fursadahaas laysku wada sawiray (photo op)in ayna dareenka iyo raja xumada dadka Gobolka Jubbada-dhexe  waxba ka bedelin.

Dadka Gobolkani ( J/Dhexe) mar hore ayey Dowlad Goboleedka Jubbaland ka samreen. Waxayna ku tirinayaan mid maaweelo iyo “barri baa la baxayaa” ay sheekadeedu ku soo ururtay. Waxay u arkaan in talada Jubbaland ku kooban tahay hal nin “one man show” ninkaas oo hadaldiisu iska noqdeen “afka baarkiisa” oo kali ah ama iska hadal hayn iyo malaha ha lagaa sheego -hadalo mac-macaan uun!

Hadaba, sida la wada ogyahay, Gobolka J/Dhexe waa gobolka kaliya ee ka mid ah 18-Gobol ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka kooban tahay ee “dhamaantiis” gacanta ugu jira Ururka Arggagixisada Al-Shabaab. Tusaalle ahaan, afarta degmo ee Gobolkaasi ka koobanyahay sida: Salaglle, Saakow, Jilib iyo magaalada Bu’aalle oo islamarkaana ah caasimaddii dastuuriga ahayd ee Jubbaland waxaa haysta Kooxdaas Arggagixisada ah ee Al-Shabaab. Waxaa kale oo la wada ogyahay in Gobolkani si darran u go’doonsanyahay oo ayna jirin wax mucaawino dibadeed iyo mid gudaha toona aynaan tagi karin. Abaartii ayaa si xun ugu dhufatay hadana waxaa  dheer fatahaado kuwaas oo keenaya baro-kac hor leh. Qolyahan Arggagixisadu waxay si joogta ah ciqaab ugu hayaan bulshada, iyaga oo ka qaada baad lagu magacaabo Zakawaat, waxay ka reebaan isu socodka, waxay qafaashaan, isla markaasna askareeyaan caruurta yar-yar een waali qaan-gaadhin taasina sida ku cad Xeerarka Caalamiga ah ee Dagaalka waxay hoos tagayaan dambiyada  culculus ee Aadamiga laga galo -”war crimes”.

Runtii, Dadka  Reer J/Dhexe way fahamsanyihiin xaalada dalku ku suganyahay. Way garanayaan caqabadaha jira (heer Federaal iyo mid Goboleedba). Si fiican bay ula socdaan tabarta iyo awooda meesha taala. Laakiin waxay  Reer J/Dhexe ka xunyihiin in Gobolada Soomaaliya la kala fadilo oo la kala horeysiiyo ama la kala dambaysiiyo. Gobolka J/Dhexe wuxuu ka mid yahay 18-Gobol ee Dowlada Federaalka ahi ay ku dhisan tahay. Wuxuu ka mid yahay gobolada qaniga ah ee umadda Soomaaliyeed u baahantahay in loo xoreeyo. Sidaas oy tahay wax hadal hayn ah, wax taageero ah ama wax ka wal-wala oo dhanka Federaalka laga maqlayaa ma jiraan. Sidoo kale, dadka Reer J/Dhexe mashruuca Hawl-galka AMISOM warbaahinta umbay kala socdaan. Waxay maqlayaan in Soomaaliya adduunku dhaqaalle badan ku bixiyo. Waxay in mudo ah ay maqlayeen in Arggagixisada laga xorayn doono.  Arintaasina waxay u ekaatay maah-maahdii Soomaaliyeed ee tilmaamaysay in “Dibiga Doollo jooga dhagahiisu waxsan maqlaan laakiin indhihiisu ayna waxsan waligii arkin!”.

Waxaa kale oo la xasuusan yahay, in Dadka iyo Deegaanka Gobolka J/Dhexe ay ka mid ahaayeen sedexdii-Gobol ee isku raacay: Dowled Goboleedka Jubbaland ee haatan Axmed Sh. Maxamed Islaam madaxweynaha ka yahay –(shanti sano ayaa badhtamaha lagaga jiraa!) Xaqiiqadii, dadka Reer J/Dhexe waxay u arkaan in Maamulka Jubbaland uu muddadaas ku mashquulsanaa uun in Kismaayo laga qotomiyo “qasriyaal”. Iyo in lagu mintido uun agagaarka magaalada Kismaayo, Dekeda iyo Garoonka! Hawlaha kale ee Maamulka Jubbaland uu xoogga saarayey waxaa ka mid ahaa nabadaynta Galmudug iyo Puntland. Si sumcadda “geed-sare-waabnimada ah” ee Madaxwene Axmed aad iyo aad kor ugu sii socoto, wuxuu Maamulku aad ugu mashquulay ka “odayeynta” Cadaado iyo Gaalkacayo. Waxaan u aragnaa arin sax ah in Walaalaha Soomaaliyeed laysku soo dhaweeyo markasta iyo meel kasta. Laakiin waxaan Axmed xasuusinaynaa in loo baahan yahay in sadaqada laga bilaabo gurigaaga oo lagu camal falo xigmadii  odhanaysay: “charity begins at home”.  Waxay ahayd in Maamulka Axmed uu xoogga saaro sidii loo xorayn lahaa duleedka Kismaayo sida: Badhaadhe, Jamaame iyo Xagar iyo kuwa la midka ah. Waxaan u aragnaa kuwaas ayaa ugu mudan in loo gargaaro oo Arggagixisad laga dulqaado.

Si kastaba ha ahaatee, dadka J/Dhexe waxay codsanayaan in loo hiiliyo: Dowladda Federaalka, tan Jubbaland iyo AMISOM ba in laga duulo xigmadda kale ee odhanaysa “it’s never too late”.  Sidaa darteed, waxaan Bayaankan ku codsanaynaa in qadiyadda DADKA IYO DEEGAANKA J/Dhexe layska xilsaaro loona hagar-baxo. Iyada oo maalmahanba aan abaabul ka wadnay Dadka Gudaha Jooga iyo Kuwa Qurbaha jooga ayaa waxaan soo jeedinaynaa hawlo badanna ka qabsoomi karaan aragtiyada hoos ku xardhan:

  1. In la caawimo kacdoonka  hal-ku-dhagiisu yahay: U HIILI JUBADA DHEXE ee ay wadaan dadka u nasab sheegta Gobolka J/Dhexe oo isugu jira: gudaha iyo qurbajoogba kuwaas oo doonaya in bal marka hore si gaara dadka Gobolka loo wacyi-galiyo, laysku xidho kadibna loo abaabulo sidii ay hormood uga noqon lahaayeen xoraynta Gobolka J/Dhexe,
  2. In bal Ciidanka AMISOM  ee ka hawlgala Jubbaland si dhab ah loola xisaabtamo laguna cadaadiyo sidii Gobolkansi dhakhso ah looga xorayn lahaa Arggagixisada,
  3. In Maamulka Jubbaland lagu cadaadiyo inuu xilkiisa guto ama dadka reer Jubbaland hoosaasinta iyo u been guurka ka daayo.
  4. In Dowlada Federaalku  si deg-deg ah xil isaga saarto sidii xuquuqda ka maqan Gobolkanloogu soo gudbin lahaa isla markaana ay gacan uga gaysan lahayd: kicinta iyo abaabulka lagu xoraynayo Gobolka J/Dhexe.

Dhamaad

———————————————————-

F.G. qoraalkani waa aragtida rasmiga ah ee dadka Gobolka J/Dhexe u nasab sheegta oo si taxadar leh loo soo uruuriyey.

Waxaa isku soo duway:

Xasan Faarax Shire

hshire@gmail.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply