Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Bashiir Xaaji Cali waa hogaamiyaha cusub ee gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn(SSC)Khaatumo.

Laascaanood, Isniin 02-01-2023 : Mudane Bashiir waa shaqsi nadiif ah kaas oo ka soo bixi kara shaqada loo igmaday. Laakiin waxaan ku boorinayaa dhammaan Khaatumo Diaspora iyo gudda-joogtaba inay la shaqeeyaan hogaamiyaha cusub, ogaadana waxba tarimayso kartida iyo hogaan wanaaga Jamaal haddii aanu bulshadiisa ka helin garab buuxa.

Hagaamiyaha Cusub ee SSC : Bashiir Xaaji Cali Cilmi ‘Jamaal’

Fadlan aynu xiligan ka feejignaano dhaliilaha hoose, waan ogahay shaqadan oo waxaan mudo badan ku soo jiray hogaanka Khaatumo Diaspora(KDO). Waa shaqo adag oo uu kaaga lumayo waqti badan, dhaqaale iyo danahaaga nololeed. Waa shaqo leh madax xanuun iyo soojeed, waa shaqo u baahan samir iyo dulqaad, mana aha shaqo uu ka bixi karo nin leh dano gaar ah, nin fulle ah iyo nin jilicsani.

Waxaan kula talinayaa gudoomiye Bashiir ama Jamaal inuu ka feejinaado talaabooyinka siyaasadeed ama difaac ee uu ku dhaqaaqayo, waa inuu mar walba u talo badsadaa.

Waayo dadka reer SSC waa dad burburay waxayna u baahan yihiin in la mideeyo, mar walbana laga shaqeeyo midnimadooda. Khasaarihii ugu weynaa ee ku dhacay maamuladii SSC iyo Khaatumo waxaa sabab u ahaa burburkii Khaatumo Diaspora Organization (KDO), waayo waxaa lumay is fahankii, is aaminaadii iyo wada shaqayntii maamulka iyo Khaatumo Diaspora.

Hogaamiye ka shaqee inaad soo celiso arrimaha aan kor ku soo xusay, ogowna xoraynta iyo maamulka waxaa laf-dhabar u ah Khaatumo Diaspora.

Haddii ay KDO weydo wada shaqayn buuxda taas oo leh isla xisaabtan, hufnaan iyo masuuliyad wey adkaanaysaa inaad gaadho himilooyinka kuu jeexan, bulshada SSC-na ka guuleysato cadowga.

Qore: Faarax Jibaar.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply