Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Bashiir Xaaji Cali Jamaal oo tagay magaalada Jigjiga xarunta Soomaali Galbeed.

Jigjiga Dec 07, 2022. Waxaa maanta magaladda Jigjiga ee Xarunta Soomaali Galbeed si wayn loogu soo dhaweeyay aqoonyahan Mudane Bashiir Xaaji Cali oo ah madaxa Jaaliyada Canada.

Garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga ayaa waxaa kaga hor tagay oo soo dhaweeyay wafdi isimo ah oo uu hogaaminayo garaadka guud ee SSCD garaad Jaamac Garaad Cali dhinaca kale waxaa iyana soo dhaweentaa ka qayb qaatay ku-xigeenka duqa magaalada Jigjiga mudane Cali Maxamed Khaliif, Xildhibaan Dawlad Deegaanka Maxamed Dheeg ahna lataliyaha Madaxwaynaha DD Soomaalida dhanka horumarinta arimaha dhaqaalaha.

Safarka Gudoomiyaha Jaliyada Soomalida ee wadanka Canada oo ah safarkisii ugu horeeyay ee u ku yimado Magaalada Jigjiga ayaa ah mid ay sababtay xasiloonida, amniga iyo horumarka balaadhan ee ka jira deegaanka waa siduu sheegay Gudoomiye Bashiir, oo ku magac-dheer Jamaal.

Jamaal oo caan ku ah barnaamijyada Horumarinta Arimaha Bulshada iyo Horumarinta Reer Miyaga ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaantiga Dawlad Degaanka Soomaalida sidoo kalana uu rajaynayo inuu fuliyo barnaamijyo la xidhiidha maalgashiga.

Inta uu majaraha u qabtay maamulka DD Soomaalida Madaxwayne Cagjar ayay Jigjiga noqotay xarun ay Soomaalida dib uga yagleelaan dawladnimada guud ahaan Soomaaliya.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply