Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Bashaar Al-Asadka Suuriya oo magangalyo Siyaasadeed waydiistay Ruushka

Shaqsi Soomaali ah oo ka agdhaw Qasriga Madaxwayne Bashaar iskana diiday inaanu magaciisa faafino ayaa nasoo gaadhsiiyay Warar isasoo taraya nagana soo gaadhaya Magaalada Dimishiq ku waasoo sheegaya in madaxwaynaha Suuriya Bashaar Al-Asad uu dooonya inuu dalkiisa ka baxsado inta aysan ku haleelin isaga iyo reerkiisa gantaalada maskaxda badan ee wadamada Qarbigu.

Wararkan ayaa sheegaya in dawlada IIRAAN u diiday magangalyo siyaasadeed iyada oo ku tirtirsiisay inuusan baqo cararin balse cidhbaha dhidibada u aasto. Dhinaca kale kooxaha ka jabhadeenaya Suuriya ayaa aad u sugaya inta ay gantaalada iyo weerarka xaga cirka ahi ku bilaabanayaan xoogaga dawlada Suuriya si ay iyaguna xaga dhulka weeraradooda u laba jibaaraan.

Wararka ka imanaya xeryihii qaxootiga ee dadka suuriyuuntu u qaxeen ayaa sheegaya in dhamaan ama badanaa dhalintii qaan gaadhka ahayd dib ugu laabanayaan wadankooda si ay uga qayb qaataan hardanka xukun u dirir ee dalkaa ku habsaday sidii Soomaaliya sideetamaadkii qarnigii tagay.

Warkan oo u muuqda mid kutiri kuteen aha ayaanu doorbidnay inaanu daabacno maadaama aan warar aanu horay uga sariiganay daabacaadooda aysan Qayoonin ee ay dhaboobeen.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag