Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Baroor Diiq Boston loogu sameeyay Marxuum Maxamed Warsame Maxamed (Faysal) oo Go’aano laga soo saaray.

Habeenimadii Axada ee Dec 29, 2013 ayaa qaar kamida Jaalida Soomaalida reer Boston isugu yimaadeen Goob loogu  Baroor diiqayay Ex-Xildhibaan Marxuum Maxamed Warsame Maxamed (Faysal) iyada oo hoosta laga xariiqay in maxkamad caalamiya lala tiigsan doono dadka looga shakisan yahay dilkiisa oo uu ugu horeeyo Madaxwayne Xasan Shiikh iyo Kooxda Danbi Jadiid waa sida ya hadalka u dhigayeene.

Xafalada waxaa daadihinayay Cabdi Cawaafe oo ka dhawaajinayay in dilkaasi uu sitoos ah ugu lug leeyihiin Kooxda Danbi Jidiid ayna  kaliftay markii Ex-Xildhibaan Marxuum Maxamed balan qaaday inuu Mooshin ka keeni doono inaysan Shaqada kusoo noqon Wasiiradii xukuumadii Raysal wasaare Saacid Shirdoon.

 

Waxaa Aayadaha Quraanka ku furay Shirkan Baroordiiqda ahaa Yuusuf Dirir  oo dadka ku dhiiro galiyay inay isku kaalmeestaan Wanaaga Xumaantana iska diidaan una hiiliyaan hadba kooda la dulmiyo si ay Aduun iyo Aakhiroba u badbaadaan.

 

Barde Cad oo isagu ah ruug cadaa xaga siyaasada iyo Sharciga ahna Ragii Baarlamaankii 1aad ee Soomaaliya ayaa isagu afka ku balaadhiyay in cidii u diirnaxda dadka oo isku dayda inay u shaqeeyso dadka balse aan ka shaqaysan in awal la caayi jiran balse ay tahay arin ugub ah in haatan la’dilayo.

Bardo cad ayaa sheegay in dadku ka waan toobaan in umada danteeda la dhaafsado wax xoogaa hunguri ah oo lagu badalanayo mustaqbalka ubadkaaga ubadkiisa. Bardo cad ayaa sheegay inay tahay arinta ugu sahlan ay tahay in aad sheegto marka wax la halaynayo. ninka hada la dilayna hadii aynu ka aamusno dee ogaada inaan arintu joog sanayn hadii arintan laga aamusana in reero meel degay la waayi doono bari.

Arintan yaan sheekadii fadhi ku dirirka looga tagin, dadka aynu Soomaaliya u dirsanayno hadii aan arin aynaan wax ka qaban nin laga istaagayaa ma jiri doonto waana laynagu soo degdegayaa. Aamusnaanteenii waad aragtaan waxa ay dhashay…

Hadii aynaan arintan ka gilgilana foolxumadii aduunka ayaad arki doontaan waa hadaladii uu barde ka sheegay kulankaa..

 

Geerida ku timid Xildhibaan Faysal waxaa uga tacsiyadeenayaa dadkii uu ka tagay iyo reer Puntland oo uu xildhibaanku u matalayay Baarlamaanka Federaalka. Waad aragtaan marka dhibaato dhado waxaa loo carari jiray Sharciga Dawlada iyo Diinta oo Masaajidada, waad aragtaan masaajidka in lagu sugayo inta aad kasoo baxaso sharcigiina in dawladu ku tumanaso.

Waxaan uga digayaa dadka meel ba’day xukun u raadsanaya inay naftooda badbaadiyaan aminaana Dhulkooda oo dhistaan isaga oo Madey u duceeyay Xildhibaanka la dilay(Faysal). Carabkana ku balaadhiyay inaan arinta sidaa looga hadhayn oo sharciga lala tiigsan doono.

 

 

 

 

 

Deeqo Jibriil ayaa ku goodisay in uu Faysal kadhintay dad “Mooryaan Xasan Sheekh anigu ma odhanayo Madaxwayne waxaa kuu sheegayaa in Faysal dad kadhintay’ Jaawaab degdagana ka heli doontid”  iyada oo si toos ah u eegasa Kamaradana fariintan u dirtay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ” ninkaan markii hore daacad ayaan moodnay balse inuu danbiile yahay waa inaan aduunka tusnaa.. Mooryaan xasan Sheekh waxaan u sheegayaa Faysal waxa uu ka dhashay Quraysh iyo Maqaawiir miiran ninkii moogoow markhaatibaa laguu hayaa” Waa madaafiicdii ay Deeqo ku garaacday xalay madaxwaynaha Somaaliya.

 

Maxamed Afgaab ayaa isagu Dhanbaal u diray 61 xildhibaan ee beesha Daarood uga jira Baarlamaanka Soomaaliya isaga oo u sheegay inaysan matalin dadka ee ay yihiin dad fooftagay. Afgaab ayaa isagu ku booriyay dadkaa inay ku noqdaan goboladii ay ka yimaadeen, qiraana inaysan waxba ka ahayn Xamar.

Dadkii goobtana u sheegay ina fadhiga laga koco waxna la’qabsado oo la qoro dacwado ka dhana kooxda Danbi Jidiid waa sida uu hadalka u dhigay e.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cabdulqaadir Yaasiin ayaa isagu dadka u sheegay in geerida Xil. Faysal loo badalo arin dadka mideesa loogana dhiidhiyo gardarada qaawan ee uu madaxwayne Xasan Shiikh ku hayo dadka kasoo horjeeda habsami u saocodka hanaanka uu doonayo inuu dadka ku hogaamiyo.

Waad khasaarteen hadii dadka aan Istanbuul kusoo arkay hadii aad ka sugasaan inay Soomaaliya Cadaalad iyo Nabad idiin keentaan wax badan ayaad sugasaan. Hadii aad arintan (Dilka Xildhibaanka) Bartilmaameed idiin noqoto waa inaad sidan si ka fiican isku abaabulnaa oo cududeena mideenaa albaab walbana garaacnaa si nimanka siyaasiyiinta ahi wax inoola qabtaan Qurbaha kuweena Soomaaliya joogaanaa wax uga badalaan dhaqankooda Awooda waxaa iska leh shacabka ee aynu awoodeena garano waxna ku qabsano.

 

Faadumo Daahir oo iyadu Xildhibaan Kasoo ahayd Soomaaliya ilaa intii la Sameeyay Baarlamaankii Carta ayaa daka u sheegtay dadkii inaysan wakhti isaga lumin inaad caawo dhan tidhaahdaan 61 Xildhibaan hakasoo baxaan Xamar in nin baxayaa uusan jirin “hadii aan helayo inaan xildhibaan nimadaydii ku noqda caawa waan ku noqonlahaa siyaasada Aabahaa ayaa kugu dilaya qof hada Paycheck giisa ka maarmayaa ma idinku jiraa dadku waa sidaasoo kale.

“Subaxdii ayaa laguu sheegayaa inaadan ka hadal waxa jira hadii kale” Marka  hadii kii dhiidhiya ee la dilo aan loo dhiidhiyin dadka xumaanta ka dhiidhiya ayaa dhamaanaya. waa inaan u dhiidhinaa walaalkeen Faysal Meeshana ka kacnaa hadii aan nahay reer Boston.

 

Macalin Warfaa ayaa isagu ka hadlay in la hubiyo cida dhibka gaysatay oo aan layska xukumin waayo cadowga Soomaaliya waa badan yahay, Sidoo kale ‘Xamar Caasimad ma’aha ee waa qabuuraha dadka Soomaalida wax garadka ah xamar Waa qabuurta Qaranka Soomaaliyeed.

Dawlada iyadaaaba dilan markaa waxba ka oran maayo. lakiin caasimada meelkale ha loo raro……

 

 

 

Cali Faysal ayaa isagu ka hadlay sidii dawlada Soomaaliya sitoos ah lug ugu leedahay dilka Xildhibaan Faysal isaga oo sheegay in isagaba horay loogu dili gaadhay Muqdisho. sidoo kale had iyo goor la handaday islamarkaana uu Xildhibaan Faysal la Hadlay Lix bari ka hor uu la hadlay uuna u sheegay in uu caga juglayn wayn ku hayeen shaqaalaha madaxtooyadu sidoo kalena u sheegayeen inay dili doonaan.

Sidoo kale Waxa uu ku weeraray Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya “ninka khamrada caba ee gaalka ah dee waa gaalo balse Umada Islaamka ah ee Aalkoliiste masuuliyad u dhiibta inaysan meelna gaadhay, ma ah gudoomiye waa Gadoomiye dadka wuu gadinayaa”

Dhinaca kale mar uu ka hadlay ridii xukuumadii Saacid waxa uu yidhi “Saacid lama ridi lahay waxa riday waa Jifidiisii waayo midna waxaa lasiiyay Lacag midna Jagada adiga ayaa laguu magacaabayaa ayaa la yidhi”

Marxuum Faysal waxa uu matalayay Baarlamaanka aynu jecelnahay ma aha midka hada jira ee musuqmaasuqa iyo xatooyada xoolaha dadwaynuhu hadheeyeen.

Tixgabaya oo uu goobta ka akhriyay ayaa waxaa kamid ahaa

 

Baarlamaanka wareersan

Badankiisu wada jaahilka yahay

barkood Jaajuuska yahay

Gudoonkiisu Jilicsan yahay

Khamriga ku Jiraban

Qaadkana Agjooga

Calankana ka jeeda

Laalushkana Jaleecsada

Doolarkana aadka u jecel

Dastuurkana ka jiifsaday

Xaqdaradana Jidaystay

Cadaaladana Jilaafa

Walee Sharcigay Jaangooyaanbaan

Soomaali ku jaanqaadin

Caasho Faarax Warax ayaa iyadu tix gabaya oo ay kula hadlasay gabadh Soomaaliyeed oo u ku khafiiftan Jacaylka Calanka Buluuglay ayaa goobta ka tirisay.

Sidoo kale dadkii ku tirtirsiisay inay leeyihiin Xoolo Xamar ka badan, Xeeb Xamar Kadheer, oo aysan jirin wax xamar loogu noqdaa madaama ay noqotay hoy dadka lagu qasho. Gabayga Caasho waxaa ka mid ahaa tixahan

 

Calanka kugu dheehan ee kaa dhanbalay wadnaha

Oo dharaar iyo laylba hadalkiisa aadan dhigin

Kuwo aan dhaayaha ku arag oo dhagaha ka maqal

Laguna soo dhoofshay Dhiilo iyo inuu wax dhaco

Oo ragii Dhaawacu kusoo gaadhay Dhagax Kudilay

Qoriga loosaaray Dheegoo Dhurwaa lamida

Odayadii dhalayna iimaankii laga dhufsaday

Inta la dhaafinayo ciidooda inay dhugtaan

Dhiiri galinteeda Waaqicu yuu kudilin

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

Gabadhii  Caasha u gabyasay ayaa ku tidhi markaa ma buluuglay ka samirbaad i leedahay

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

Buluuglay way balowdoo ba’baa ku dhacay

Kuwo aan bilicdeeda garanayninbaa ku baxay

Markay ciideeda babanasay baalwalbaba

Oo bishii iyo xidigtii cadayd beerka looga dhigay

Oo bina’aadam soo beegi kara la’arag

Inay burburayso badnigaaga wali magalin

Hadaanad ka bad-baadin karin bahalka cunay

Boholyowgeeda iyo baroorteedu yay ku dilin

Ka aamus goowsee Calooshaada Buuqa ka reeb.

 

 

 

 

 

 

Suldaan Cabdirisaaq Cali Baale ayaa isagu u duceeyay Marxuum Faysal sidoo kalena sheegay in wax dawlad la yidhhdo jirin, geeriduna xaqtahay ee waxa dadka dhibayaa ay tahay dulmiga qaawan isaga oo sheegay arintaa inaan laysaga hadhi doonin.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nageeye ayaa isagu sheegay in loo duceeye Faysal maantana waxaa dhib qabaninkii dilkaa gaystay, isaga oo u duceeyay in dhibaatadaa uu ka badbaadiyo Raysalwasaaraha cusub ee Soomaaliya

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ritoos ayaa isagu sheegay in Faysal loo dabaaldago Sanad walba si aan loo ilaawin waxa uu u dhintay ee ah Sinaan iyo Cadaalad inay Soomaali hesho. waa inaan maalin feesto qaran laga dhigaa… Ritoos ayaa sheegay in hadii ay Wasiiradii Saacid Soonoqdaan waa in aynu Soomaaliya siiba Xamar iyo Agagaarkeeda Faraha laga qaadaa…

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaan aad uga xumahay sida loo dilay walaalkeen Faysal Waxaan ahay reer Puntland aadbaana ugu han weenahay inaan ahay reer Puntland..

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa Shirka Soo gabo gabeeyay Kornayl Shaale oo sheegay waxa lagu dilay Xil.Faysal inay ahayd uun inuu soo Jeediyay Mooshin uun inaysan soo noqon wasiiradii Raysal wasaare Saacid Shirdoon… waayo Xasan ma ah Damul Jadiid balse waxa dilka gaystay waa Damul jidiid..

Waxaa shaale ka sheekeeyay sidii Madaxwayne Xasan Sheekh uga guulaystay Sheekh Shariif. waxaan idiin balan qaadanaa inay Xasan uusn soo dhaafin Kiiniya iyo Itoobiya oo aan iman Yurub iyo Ameerika, Hana isku diyaariyo maxkamada Heega.

Waxa uu wadamada khaliijka ka iibiyay dhulka beeraha waxa hada dadka loo laynayo waa in balantii lacagtii doorashada la celiyaa ama dhulkii dee loo diyaariyaa Qadar iyo wadamadii ladhacay.

Xamarna nin aan haysan Kafiil sidii Carabaha inaan lagu badbaadineen. waayo ku dhashay majirtee u dhashay ayaa ka socota hantina kuma yeelankartid waxaa badan dadka lasumeenayo ee hoos hoos loo dilayo…… Faysalna ka harimayno waa hadaldii Gundhiga u ahaa Baroor diiqdaa iyada oo daku saxeexeen warqado cabasho loogu gudbinaya Qaramada midoobay……

 

 

 

 

 

 

 

Ceegaag.com

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply