Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Barnaamijka Xogta iyo Xulashada

Barnaamijka Xogta iyo Xulashada

Xogta iyo xulashada waa mowduuc ka bixi doona webabka Ceegaag.com iyo Allhawd.com waa barnaamij qofwalba uu kaqayb qaadan karo isago ku soo bandhigaya wixii xog uu hayo, oo aad isleedahay waxay wax tar utahay Umada Somaliyed, waxyaabihi horay udhacay oo aad isleedahay waa ku qatar dadka inay  dib ugu soo laabtaan oo aad ka digayso, hadaad hayso wax ku saabsan marxaladaha hada lagu jiro oo aad isleedahay waxay ku wanagsanayd in sida lagu wado ama laga badalo iyo haduu jiro wax kuu muuqda oo bulshadaada ku soo socda aad isleedahay tani waxay ubaahan tahay kahortag, barnaamijkan waxa looga hadlaya maahan hal qodob oo kaliya, waxanu kaga hadli doona Dhaqanka,Diinta,Siyaasada, waxbarashada,Caafimaadka, miyi iyo magaalaba, waxaan jeclaystay dadbadan oo aanan haysan Fursad  fikirkooda iyo taladooda inay ku soo bandhigan Mediyaha si dad badan ay u gaarsiiyaan ayaan ugu talagalay inay ka faidaystan, waxaan kaloo kahelidoona waayo aragnimo, cilmi iyo aqoon marka sida ay tahay looraaco loona dhaqangeliyo, madoonayo Barnaamijku inuu noqdo mid cidgooni ah lid ku ah waxan ka hadlayna waxguud dan guud iyo talo guud, dabcan waxa jira waxbadan oo saamayn isku yeesha hadaad aragto wax kuu eg ha uqaadan in laguu jeedo ee kala dhex bax wixii kaa anfacaya.

Waxaad kaga qayb qaadan karta Barnaamijka Xogta iyo Xulashada, Gabay, Buraanbur iyo qoraal caadi ah ba adigoo inoo soo raacinaya sawirkaada , inagoo marwalba u xulan doona sida ay ukala manafacad badan yihin.

Tani waa qaabka bilowga barnaamijka waxaan uga gudbi doonaa inaan ku soo bandhigno maqal iyo muuqaal,

Waxaad kaloo cabiri karta wixii talo ee aad ku biirinayso barnaamijka laftirkiisa marwalba waanu idin soo dhawaynayna waana ku faraxsanahay ka qayb qaadashadiina.

Waxaad inoogu soo diri doontaan ciwaanka hoos ku qoran.

 abdifatah.isxaq@gmail.com

by Gateway.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply