Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Barnaamij ka Heesaha Hirgalay ee madasha 60ka oo ay Bishan ku guulaysatay Maakhirland

Ceegaag Oct 07, 2015: Boston..Barnaamij Bile ah oo lagaga nasto falanqaynta siyaasada Soomaaliya ayaa waxa uu ka bilowday Bishii hore Madhasha 60ka, waxaana judhiiba ku guulaystay fanaaniintii ka socotay Maamulka Khaatumo State. Hadaba markii bishan laysugu soo laabtay goobta ayaa waxaa isugu yimid sideeda maamul goboleed ee Soomaaliya sida Khaatumo State, Awdal State,  Puntland, Galmudug, Koonfur-Galbeed, Jubaland, Somaliland iyo Maakhirland.

Barnaamijka Heesha Hirgalay ayaa waxaa maxaakim ka ahaa Mu’alif Fu’aad Macalin, Fanaan Waabari iyo Xaaskiisa Shaafiya, waxaana isku dubariday Geele. (Dhagayso furitaanka  Barnaamijka Heesaha Hirgalay ee bilaha ah ee madasha 60ka).  Barnaamijka ayaa ahaa mid fara cidi leh ay guushu ku raacday Fanaaniintii ka socotay Maakhirland hadaba nala dhagaysta sida uu u dhacay tartankan aan horay noociisa loogu maqal madalayaasha masrax siyaasadeedka.

Heesaha Tartanka waxaa kala qaaday fanaaniinta madasha lagu naaneeso /Riix si aad u dhagaysato

 

1.    Wadani-Maakhir1                                        Tuulo-Dibi Puntland1

2.    Caamir-Maakhir2                                       Ladane-Puntland2

3.   Biikalo-Maakhir3                                         Samsam-Puntland3

4.   Fiska-Maakhir4                                           Ladane-Puntland4

5.  Dalmar iyo Fiska Maakhir5                     Kabtanka iyo Shamis Puntland5

6.    Bureeqo-Maakhir6                                    Nasiim-Puntland6

7.    DJ-Maakhir7                                              Nusime-Puntland7

8.   Jidhiidhico-Maakhir8                              Ladane-Puntland8

9.  Fiska-Maakhir9                                            Faras-Puntland9

10. Bureeqo-Maakhir10                              Saxeexii Kabtanka-Puntland10

Kadib tartankaa dheer ayaa waxaa go’aanka ku dhawaaqay hawlwadeenada Madasha  siiba Garyaqaan waxaana go’aankaa ansixiyay maxaakimta barnaamijka waxayna u dhacday sidatan ee dhagayso  Go’aankii guushu ku raacday Maakhirland.

Waxaa mahadcelinta usameeyay kooxda matalasay Maakhirland Darwiish oo u balanqaaday dhagaystayaasha inay siin doonaan cidii u baahan aalada dhagaha lagaga dhagaysto talafoonada  ee afka qalaad lagu yiraahdo ‘Bluetooth’,   waxaana hadaladiisa ka mid ahaa Mahad celintii reer Maakhir by Darwiish.

Xuseen Fiin

Boston

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply