Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Barnaamij lagu soo nooleeynaayo ciyaaraha, fanka iyo dhaqanka oo lagu qabtay Muqdisho

Barnaamijkaan oo lagu soo nooleeyo Farshaxanka,Ciyaaraha iyo Dhaqanka ayaa waxaa lagu daah furay ciyaarta kubadda kolayga ee gabdhaha, waxaana ciyaartii ugu horeysay iskaga hor yimid ama ay u dhaxaysay Degmooyinka Hodon iyo Shibis oo ku cayaaray Garoonka Wiish ee Degmada C/casiis.
Tartankan kubadda kolayga ee gabdhah ayaa waxaa ka qayb qaadan doono degmooyinka kala ah Hodon, Shibis, H/wadaag iyo Yaaqshiid, waxaana kulankii ugu horeeyay isku arkay Hodon iyo Shibis oo guushu ay raacday Degmada Shibis 40-dhibcood halka degmada Hodan ay la timid 30-dhibcood, halka kulanka 2aadna uu dhex mari doono degmooyinka kala ah Hawl-wadaag iyo Yaaqshiid.
Waxaa ka soo qeyb galay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha, wasiiru dowlaha wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiye ku xigeenka guddiga Olombikada, Xoghayaha guud ee Guddiga Olombikada Soomaaliya, ku simaha Agaasimaha Warbaahinta Qaranka, mas’uuliyiin ka socotay Degmada C/casiis ,iyo kan xiriirka kubadda Koleyga.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradu soo dhaweyneyso isdhexgalka dhalinyarada ee dhinaca ciyaaraha oo wax badan ka tari doonta ka hortaga tahriibka ,isticmaalka maandooriyaha qeybihiisa kale duwan,iyo Xagjirnimada. Waxaana uu guul u rajeeyay dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed.
Bandhigani oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradaha Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska iyo Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya ayaa kulanka xiga waxaa ku tartami doona degmooyinka Howlwadaag iyo Yaaqshiid, oo ah ciyaar ka tirsan soo nooleynta farshaxanka, dhaqanka, iyo ciyaaraha.


c/naasir yuusuf macalin

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply