Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Bare Hiiraale: Shabaab iyo Anaga isku mowqif ayaa nahay waana la dagaalamaynaa Axmed Madoobe iyo Kenya

Col, Barre Aden Shire Hiiraale oo wareysigii labaad bixiyey tan iyo markii looga itaal-roonaaday dagaalkii Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay inuu joogo meel aan ka fogeyn magaalada Kismaayo.

Col, Barre Hiiraale  ayaa waxaa uu sheegay inuu maanta joogo dhul ay dhinac ka joogaan kooxda Al-Shabaab kuwaasi oo uu sheegay inay isku cadaw yihiin. Waxaana  uu ku tilmaamay cadawga ay wada leeyihiin maamulka Kismaayo hadda ka jira.

” Adeer Waxaan joogaa meel 5 km u jirta Kismaayo. Waxaana hadda ku jirnaa isku diyaarinta dagaal aan ku qaadno magaalada Kismaayo. ” ayuu yiri Col, Barre Hiiraale.

” Meesha aan joogno waxa ay ka mid tahay meelaha ay maamulaan kooxda Al-Shabaab. Mana jiraan wax dhibaato ah oo aan isku qabno kooxdaasi. Waxaan wadanaa qorshaheyna dagaal, iyagana awalba ayeysan fadhin oo howshooda dagaal waaba ay wateen” ayuu yiri Col, Barre Hiiraale.

Wareysiga Barre uu bixiyey ayuu ku beeniyey wararka sheegaya inuu doon ugu ambabaxay magaalada Muqdisho halkaasi oo uu ka soo hub urursan doono. Waxaana uu hadalkaasi ku tilmaamay been laga faafiyey oo aan xaqiiqo ku jirin.

Col, Barre Hiiraale oo ka mid ah raga sheegtay inay madaxweyne u yihiin maamulka Jubaland ayaa waxa uu  sheegay inuu si rasmi ah ula wareegay hogaanka ciidamada dowlada Soomaaliya, kuwa isaga hoos yimaada iyo xitaa ciidankii ragii kale ee xilka uu sheegto la sheegan jiray ee dagaalkii kismaayo isku dhiibay.

” Ciidamada aan xukumo waxaa isugu jira kuwii dowlada Soomaaliya, kuwii Jubaland ee aan aniga madaxda awalba u ahaa iyo ciidamadii kale ee saaxiibadii aan xulufada aheyn. Sababta aan hada aniga u wada xukumo ayaa ah kadib markii dagaalkii Kismaayo ciidankeyga mooyee kuwa kale hogaan la’aan ay wada noqdeen. Sidaasi ayaana hada u ahay aniga ninka wada xukuma ciidamadaasi kala magaca ah ” ayuu yiri Col, Barre Hiiraale.

Korneelka waxaa kale oo uu  ku celiyey in ciidanka Kenya u isticmaaleen dagaalkii dhawaan dhacay hubkasta oo ay heysteen, isagoona intaasi ku daray inay taasi cadeymo badan u hayaan.

” Adeer hubkasta oo ay heystaan dowlada Kenya waa inoo isticmaashay, waxaana ay magaalada inooga soo saartay awood cad.” ayuu yiri Col, Barre Hiiraale.

Dhinaca kale Barre Hiiraale waxaa uu ka hadlay ragii kale ee saaxiibadiisa ahaa ee la sheegan jiray madaxweynenimada Jubaland ee dagaalkii Kismaayo kadib  isku dhiibay maamulka Rasmiga ah ee Jubbland ( Sheekh Ahmed Madoobe). Waxaana uu sheegay inay ragaasi is dhiibeen kadib markii ay arkeen awooda Kenya. Waa sida uu hadalka u dhigaye.

” Raga saaxiibadeyda ah ee madaxweynayaasha ahaa waxaanu kuwada jirnay dagaalka, ciidanka waa inoo mideysnaa laakiin dagaalkii magaalada aan uga soo baxnay ayey isku dhiibeen kadib markii ay arkeen inay dagaalka toos ugu jiraan dowlada Kenya, balse aniga taasi ma yeelin oo ciidankeyga ayaan la soo baxay, walikeyna isma dhiibi doono. ” ayuu yiri Col, Barre Hiiraale, isagoona hadalkiisa sii raaciyey .

” Raga is dhiibay hadda waxaa loo gudbiyey Muqdisho waliba waanu wada shaqeyn doonaa. Waxaan hadda gacanta ku hayaa ciidankooda iyo shacabkoodii dhamaan, oo anigaa mas’uul uga sii ah inata ay maqan yihiin”

Wareysiga Col, Barr Hiiraale bixiyey ayaa laga  fahmi karaa inuu taageero xoogan ka heysto dowlada Soomaaliya, maadaama uu si cad wareysigan ugu sheegay inuu maamulo hada ciidanka dowlada ee gobollada Jubooyinka. Waxaana la ogeyn waxa ay ka oran doonto dowlada Soomaaliya oo horey u sheegi jiray inay  bari ka yihiin dhinacyada dagaalamaya.

Mar aan xirir la sameynay wasiirka warfaafinta iyo kuxigeenkiisa ee Dowlada Soomaaliya si aan wax uga weydiino arrinta ciidankooda inay  hada hoos-tagaan taliska Col, Barre Hiiraale ayeysan inoo suurtagelin. Waxaanse idin ballanqaadi doonaa in aad wararkeena danbe ku maqashaan jawaabta dowlada ee arrintaasi.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag