Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Banaanbax aad u balaadhan oo lagu Taageerayay Amarka la’amray Somaliland inay Ciidamadeeda kala Baxdo Khaatumo oo Kadhacay Washington DC+Sawiro+

Jaaliyadaha Khaatumo ee wadanka Maraykanka Siiba Gobolada Ohio, Virginia, North Carolina, Massachusetts  -Boston, Minnesota,  New Jersey, Maine iyo magaalada London ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa Shalay ka dhigay banaanbax  ay kagaga gariiriyeen Wasaarada Arimaha Dibada ee wadanka Maraykanka (State Department).

Banaanbaxan  ayaa  waxaa loogu mahad celinayay Marakanka sida ay go’aan adag uga gaadheen joojinta dhulboobka, dhibka iyo dhaca uu maamulka Somaliland ee Qabiilku ku qarsoonyahay doonayo inuu ku qabsado Khaatumo State Of Somalia.

Banaanbaxan ayaa waxay Banaan-baxayaashu ku soo dhaweeyeen Go’aanka ay sida wada jirka ah u soo saareen wadankan Maraykanka, wadamada ku bohoobay Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska kaa soo amar lagu siiyay Maamulka Somaliland inay Ciidamadooda kala baxaan Khaatumo State Of Somalia.

Halkudhagyadii lagu dhawaaqayay ayaa waxaa kamid ahaa Waanu u mahad celinanaa Bulshada Caalamka siiba Maraykanka, Dhiiga dadkayagu inuu isku daato doonimayno, Walaalaheen inaan la dirirno doonimayno, Dhiig Soomaali Daadintiisa Doonimayno, Soo celinta qaranimada Soomaliyaan Doonanaa, Qabiil Qabiil inuusan ku duulin baanu doonanaa, is dirqintu dalkeena inay ka dhamaato ayaanu doonanaa, Cadaalad iyo Sinaan baanu Soomaaliya u doonanaa.

Dhinaca kale Halku dhagyo ku qornaa luqada Ingiriiska ayaa waxay ishu aad u qabanasay ‘Siilaanyo waa Sadaam Xuseenka Soomaaliya’  Sidoo kale waxay ishu aad u qabanasay Soomaaliya waa Dalqudha, Dad-qudha, Midnimadeeduna waa lama taabtaan.

Banaanbaxan ayaa waxaa isku soo duba riday Jaaliyada gobolka Virginia iyo uruka Midnimo. Iyada oo hoostalaga xariiqay inaysan marnaba yeeli doonin reer Khaatumo kala goynta Jamhuuriyada Soomaaliya iyo in dhulkooda laga dhaxal wareejiyo iyaga oo soo taagan.

Daawo Sawirada


Kalasoco goordhaw Banaanbaxaa SOMSAT.tv

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply