Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid

Kulanka labaad ee aan caadiga aheyn ee Kalfadhiga Shannaad ee Barlamaanka Somaliya ee ay ku yeesheen xarunta golaha Shacabka ayaa ka koobnaa ayuu ajendihiisu ka koonbaa sided qodobo oo ay ugu muhiimsaneyd codka Kalsooni siinta Barlamaanka Somalia, waxaana ka soo qeyb-galay madaxweynaha Somalia oo Barlamaanka hor keenay Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmar’arke.

Guddoomiyaha golaha shacabka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa furay kalankaan aan caadiga aheyn,  isagoo Barlamaanka ka hor akhriyey farriinta Barlamaanka ee ku socota Ra’iisul wasaaraha Somalia haddii uu Codka Kasoonida ka helo Barlamaank, isagoo faah-faahiyey  tallooyinka iyo marxaladdaha la wajahayo ee la doonayo in ay isula jaan-qaadaan Xukuumadda la doo dhisi doono iyo Barlamnaanka Somalia.

Hadal jeedinta Guddoomiyaha Barlamaanka kaddib, Afhayeenka Barlamaanka ayaa ku soo dhoweeyey madaxweynaha madasha si uu Xildhbaannada golaha shacabka uga codsado in ay Codkooda Kalsoonida siyaan Ra’iisul wasaaraha, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kooban Barflamaanka ugu soo jeediyey sida ay muhiim dalka ugu tahay in la helo Ra’iisul wasaare hoggaamiya hey’adda fulinta ee dowladda sii ay u dhameystirto dhammaan howl-qabadka hor yaalla.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa isaga Barlamaanka Somalia ka hor hadlay oo ka codsaday in ay siiyaan Kalsoonidooda si uu dalka ugu soo dhiso Xukuumad awood u leh in Somalia ay ku guuleysato hiigsiga cusub ee 2016-ka.

Hadal soo jeedinta Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha kaddib,  Xildhibaannada Barlamaanka ayaa guda galay codka kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha Somalia, si uu qabto qodoboka 69-aad ee Destuurka Jamhuuriyadda Somalia, iyadoo codka uu ahaa gacan taag cod hal dheerti ah, barlamaanka oo ay xaadir ku ahaayeen 224 mudane ayaa waxaa codka Kalsoonida siiyey Ra’iisul wasaaraha 218, mudane ma jirin cid diiday ama ka aamustay, si uu natiijada uu ugu dhawaaqay guddoomiyaha Barlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jaewaari.

Ra’iisul wasaaraha Somaalia, ayaa isla manta lagu hor dhaariyey Barlamaanka oo guddoomiyaha Maxkamadda sarre ayaa u dhaariyey xildhiisa Ra’iisul wasaarinimo.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Cumar Cabdirashiid, ayaana Barlamaanka uga  mahadceliyey, una ballan-qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo dhisi doono Xukuumada kaddib wadatashiga shacabiga, sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxa u guud mar ku sameeyey qodobo ay diiradda saari doonto Xukuumaddiisa soo socota.

Kulanka  labaad ee aan caadiga aheyn, waxaa soo gabagabeeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bilaabay Hambalyo uu u jeeidyey Ra’iisul wasaaraha cusub, waxa uu u mahaceliyey Barlamaanka Somalia sida ay u guteen waajibaadkooda Destuuriga ahi, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo la xiriira halka ay Somalia u socoto iyo sida ay muhiim u tahay in waqtiga looga faa’ideysto.

Sidaas ayuuna guddoomiyaha Barlamaanka ku soo gabagabeeyey kulankaasi aan caadiga aheyn, Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa loga fadhiyaa in uu soo dhiso Xukuumad amba qaadda howlaha la qabtay iyo kuwa dhiman oo ay ugu horreeyaan waxqabadashada Destuurka KMG, diyaarinta hannaan Dimoqoraadiyadeed oo doorashin hirgaliya sanadka 2016 iyo howlo kale, waana Ra’iisul wasaarihii saddaxaad ee dowladda Federaalka Somalia ee hadda jirto ay yeelato.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply