Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Baaqii Ay Direen Jaaliyada Khatumo ee Belgum iyo Sawiro..

 

Kulan xasaasiya oo ay isugu yimaden qaarka tirsan Gudiga Khatumo Belgum iyo JaaliyadaKhatumo ee magaalada  Kortrijk ayaa lagaga hadlay qodobo dhowr ah taasoo ay ugu muhiimsanayd muujinta aydareenkooda ku cabiren xaaladaha Buhodle kasoo yeerayay maalmihii lasoo dhaafay, Gudomiyaha iyo Jaaliyaduba waxay siwada jira u cadeeyeen Buuhoodle inaytahay Deegaanada Khatumo cidina caadka saarayn  Cali Khalif na uu yahay madaxwaynahoodii sida xaqa ah loosoodoortay, Gudoomiyaha Jaaliyada Khatumo ee Belgum Mudane Maxamed Cige oo arinta ku dheeraaday xusayna Gobanimada shacabwaynaha ku abtirsada Deegaanada Gobalka Cayn iyo inay dhiigooda uhuren sharaftooda iyo xornimadooda dad sigooni ah u tilmaamana ay yihin islamarkaana kadhiidhiyay cadawyadii ku soo duulay deegaanadas kuwoosoo guulo cad cad kasoo hoyiyay taariikhdana ay uga jiraan baal dahaba  waxaan maantay idiinku baaqaya Nin cadowgii caruurtayada laayay calankoodii qoorta ku sitaa inuusan idin dibin daabyayn dadkana kala qaybin arimaha noocaasa waxaanu usoo joognay waxbadan wixii laga dhaxlayna waan wada ognahay nin horgala ah inuu dadkiisa iyo deegaankiisaba shilimo yar siisto waxaana ku raja waynahay shacab waynaha reer Buuhoodle inaysan weli ka bogsan dhacdooyinkii Kalshaale islamarkaana aysan ahayn dad sharaftooda  iyo jiritaankooda shilimo lasiisto. Waxaan sidookale ugu hambalyaynaya  isla shacabka reer Buuhoodle 01.08.2015 sida cadaanka ah oo ay ucadeeyeen rabitaankooda  iyo mowqifkooda waxa uuyahay waxaana idiin rajaynaya guul iyo gobanimo, kulan kan ayaa sidookale looga hadlay isku xirka dhaman jaaliyadaha Khatumo iyo tan Beljumba sidii loo dardar gelin laha howlaha baaxada way nee horyaala kulan kan oo xaasaasi ahaa waxaa taleefano kaga soo qayb galay talada laysku waydaarsanayay qaarka tirsan jaaliyada Khatumo ee Holand iyo Germany , wuxuuna ku dhamaday is afgarad iyo guul.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply