Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Baadhitaan lagu wado Qalfoofta dadkii lagu xasuuqay Hargeysa. Aaway kuwii Arabsiyo!

Khubaro ka socota ururo ku xeel dheer baarista xasuuqyada ka dhaca caalamka iyo Lafaha dadka oo mudo bil ah ku howlanaa baarista dadkii lagu xasuuqay dagaaladii ka dhacay Gobolada Waqooyi gaar ahaan Hargeysa ayaa soo bandhigay Qalfoofta 38 qof oo laga soo saaray qabuurihii ay ku jireen.

Qalfoofta 38-aad qof oo ku jiray hal qabuuro ayaa mid walba la isku toos toosiyay lafahiisa si loo garto cida uu yahay iyo eheladiisa baaris la sameyn doono kadib.

Waxyaabaha ay soo bandhigeen quburadan ayaa waxaa ka mid ah dharkii ay xernaayeen dadkan markii la xasuuqayay qof walba inta xabadood ee lagu dhuftay, waxyaabaha yaabka dhaliyay ee lagu arkay dharkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa mid ka mid ah dadkan dharkii uu xernaa oo laga helay in lagu dhuftay 25 xabadood oo loola dhacay inta ka sareysa saableyda sida ay sheegeen quburadan.

Khubaradan ayaa sidoo kale waxaa la socday khabiir ku takhasusay Milateriga iyo Hubka, kaasoo baarayay nooca rasaas ee loo adeegsaday dadkaasi la xasuuqay, waxayna sheegeen in rasaas kala duwan loo adeegsaday dilka dadkaasi lafahooda la helay.

Waxay sheegeen Khubaradan in baaritaankooda ay ku ogaadeen in qaab naxariis daran loo laayay dadkaasi, isla markaana qolfoof walbo la heli doono cida uu yahay iyo reerkiisa, iyadoo uu weli harsan yahay baaritaanka oo uusan soo dhamaan.

Dowladdii Kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee hoggaamin jiray ayaa lagu eedeeyaa iney weeraro ay ku qaatay magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kale sanadkii 1988-kii waxaa lagu laayay dad shacab ah oo dagaalada ka cararay iyo kuwo kale oo si cad loo dilay.

Dhinaca kale magaalada Arabsiyo ayaa waxaa ka dhacay Xasuuq Ba’an oo loo gaystay dadkii diiday Hukii ay dawlada Kacaanku u qaybinasay shacabka si laysaga hor keeno, Xasuuqaa oo dadkii gaystay iyaga oo xora iska dhex damaashaadayaan magaalada Hargaysa. oo waliba qaarkood xilal ka hayaan maamulka Somaliland.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag