Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Axmed Xaaji Hirad oo maanta ku geeriyoodey magaalada Ottawa ee dalka Kanada.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

”KULU NAFSIN DAA’IQATUL MOOTI”

Waxaa maanta saacada 1:00 pm “Eastern time”  ku geeriyooday Magaalada Ottawa ee dalka Kanada  ALLAHA u naxariistee Axmed Xaaji Hirad oo si weyn looga yaqaannay loogana tixgalinjiray Deegaanada soomaalidu dagto gaar ahaan gobolada Waqooyi iyo waliba dalka Jabuuti.  Marxuum Ahmed Xaaji Hirad waxa uu ahaa Nin ku caan baxay Diin Jacayl, Dal Jacayl & Dad Jacayl.

Waxaan Tacsi Tiiraanyo ku dheehan tahay u diranaa dhamaan Reer Xaaji Hirad gaar ahaan Xaaskiisii  Sahra-Saad Cali Cawl Xuseen iyo caruurtii uu ka geeriyoodey Marxuum Axmed Xaaji Hirad waxaanan leenahay Samir iyo Iimaan ilaahay ha idinka siiyo Marxuumkana Janadii Fardowso Alle ha kawaraabiyo. AAMIIN.

Waxaa Tacsi nasoo gaadhsiiyay Abdiriigle Xaaji Cali iyo dhamaan Reer Xaaji Cali Cilmi, Gen. Maxamed Cali Abokor (Qawle), Riyaad Faarax Cali Cadmeed, Xil. C/laahi Xasan Dhooble, Jamaal Xaaji Cali Cilmi, Mohamud Maxamed Cali Ayax, Caynaanshe C/raxmaan,  Yaasiin Maxamed Cawaale, Liibaan Fiin,  Hussein Fiin,  Abdirisaaq Fiin iyagoo tacsi u diraya Qoyska Reer Xaaji Hirad Marxuumkana ILLAAHAY uga baryaya inuu U danbi dhaafo AAMIIN.

Sidoo kale Shaqaalaha Ceegaag.com ayaa halkan tacsi uga diraya qoyskii iyo qaraabadii Marxuum Ahmed Xaaji Hirad  waxaan ilaahay uga baryanaa inuu janadii fardowso kawaraabiyo. Aamiin

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply