Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DAAWO VEDIO: AUN Saado Cali Warsame oo Baroordiiq loogu sameeyay Magaalada Edmonton.

ALLAH ha u naxariistee waxaa munaasabd Baroordiiq ah loogu sameeyay Beerta weyn ee Grand Trunk ee ku taala badhtamaha magaalada Edmonton Marxuumad Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd Fanaaniintii Qaranka Soomaaliyeedisla markaana ahayd Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo bishii July 23-keedii Kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho.

Daawo

 

Munaasabadan oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Edmonton, ayaa waxaa kasoo qaybgalay Culimaa’udiin, Aqoonyahano, Madaxda Ururada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladan Edmonton.

Mas’uuliyiintii kazoo qaybgashay munaasabada ayaa halkaas ka jeediyay khudbado ay ku cabirayaan dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin isla markaana ay u cambaareynayaan falkii lagu dilay AUN Saado Cali iyagoo ka codsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya in si cad loo baadho dilalka Xildhibaanada cida ka dambeysa dilalkooda cadaalada la horkeeno.

Jaaliyada Khaatumo State oo si gaar ah uga muuqdey munaasabadaan qabanqaabadeedana lahaa ayaa waxa ay Tacsi gaar ah u direen Dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadka kasoo jeeda gobolada Khaatumo.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun.










Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply