Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ardayda Jaamacadda Muqdisho oo u Fadhiisatay Imtaxaanaadkii Simisterka 1aad

Maanta oo ay taariikhdu  ku beegantahay 03/01/2015 waxaa ka bilowday dhamaan xaruumaha ay jaamacadda muqdisho ku leedahay magaalada muqdisho imtixaankii simisterka koobaad ee sanad waxbarashadeedka 2014-2015ka iyadoo ay subax iyo galaba gelidoonaan imtixaanka .

Diiwaanhayaha guud ee jaamacadda muqdisho Dr- maxamed xasan nuur oo lahadlayey warbaahinta qeybaheeda kaladuwan ayaa umahadceliyey dhamaan ardayda manta ufariisatay imtixaanka simisterka koobaad waalidka soomaaliyeed ee kalsoonida siiyey kuna aaminay ubadkooda inay jaamacadda muqdisho waxkabartaan,iyo ummada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan,wuxuu Dr-maxamed xasan nuur tilmaamay in imtixaankan uu bilowday maalin qiimo badan oo ah maalintii uu nabi maxamed (N.N.K.H)  ilaahay ifka keenay iyo weliba sanadka cusub 2015 umada soomaaliyeedna waxa uu ilaahay ugu baryey inuu uga dhigo sanad wanaagsan oo horumarka dhankiisa loo dhaqaaqo.

Mar uu ka hadlayey Dr-maxamed xasan nuur ayaa tilmaamay in kulliyadaha imtixaanka loogalayaa ay yihiin 9 kulliyadood iyo 29 sagaal iyo labaatan taqasus  oo ay kala galayaan subax iyo galab.

Imtixaanka ayaa ku bilowday jawi aad uwanaagsan waxaan ilaahay ka rajeyneynaa inuu wanaagaas ku dhameeyo.

 

Cabdinaasir Yuusuf Macalin Xuseen

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply