Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Arday Soomaaliyeed oo maadada Masterka ku qaadatay arin ugub ku ah Soomaaliya iyo Geeska Afrika

Maalin waliba Shacuurteed leh, 30-09-2014 waxa ay aheyt maalin iiga duwen maalmaha, mana qiyaasi karo waxa aan ku sifeyn lahaa, laakiin  aan iraahdo waa maalintii aan garay darajada labaad ee heer jaamacadeedka Aniga oo geesta kale ku faraxsan in aan baxsi aqooneedkeygii kaga hadlay Mashruuc muhim u ah Umada soomaaliyed kuna Ugub ah Guud Ahaan Gobaolka kaas oo Cinwaankiisu yahay “Proposing Model For the Implementation of E-government System in Somalia”.kana qaatay jaamacadda Sudan University of science & Technology

 

Waxay ii Aheyd  farxad wayn markii Mushrafkeygii kutilmaamay baxsigeyga ama buuga qalanjabinteyda  mid u qalma in lagu diyaariyo darajada PHD-da sidaasi waxaa isaga oo faraxsan yiri Eng- c/sataar carabow ibraahim,

Sidoo kale waxaa iga mudan mahadcelin aan la hilmaami Karin Maamulka Jaamacada Muqdisho Oo Run Ahaantii ii suuragaliyay in aan deeq waxbarasho ku dhigto darajada mesterka oo aan ka qaatay “Sudan University of science & Technology, jaamacadda muqdisho oo ahayd jaamacadii aan ka soo qaatay waxbarashadeydii koobaad laguna tilmaami karo inay tahay jaamacadaha ugu faca wey uguna tayada wanaagsan sababtoo ah waxbarashadii aan ka soo qaatay jaamacadda muqdisho ayaa waxay iinoqotay inaan tartan lagalo ummado kale kuna guuleysto heerka ugu sareeya ee shahaado lagu qaato.

waxaan isleeyahay waxaa timid maalintii la sugayey oo ay dadbadana ku farxi doonaan sida waalidiinteyda ,macalimiintii wax isoo baray iyo asxaabteyda meelkasta oo ay joogto.

“Proposing Model For the Implementation of E-government System in Somalia”.kana qaatay jaamacadda Sudan University of science & Technology

 

soo bandhigida model lagu diraasaynayo in ay somaliya qaadato waxa loo yaqaano xukuumada elegtaronigaGundhiga Fahamka waxa loo yaqaano xukuumada electaroniga wuxuu ka soo if baxay dowladaha soo koraaya iyo kuwa hormarayba ayagoo uga gol lahaa markaas hormarinta adeega dowladha ay shacabka u qabtaan lagana gudbo adeegsiga warqado la is waydaarsado; si adeeg hufan loogu gudbiyo muwaadiniinta.Hadaba waxaa loo baahan yahay si looga tilaabsado musuqa sicir bararka iyo burburka dhaqaale in diirada la saaro wax ku oolnimada tilaabooyinka ay xukumaduhu qaadayaan iyo in laga dhigo adeegsiga tignolajiyada casriga ah arin lama dhaafaan u ah xiriirka tooska ah ee muwaadinka iyo xukuumada.Dhanka kale markii laga eego arintaa ayaa yareen karta musuqa sida laaluushka iyo wax is daba marinta sidoo kale waxay ka qeeb qaadanaysaa yaraanta saacadaha badan ee ku bixi lahaa shaqooyinka gacanta laga qabto halka uu muwaadinka ka helayo nasiino marka uu shaqooyinkiisa ku qabsado internetka gudihiisa.

Hadaba xukuumada elegtaroniga ah ayaa ka curatay wadamo isugu jira kuwa hormaray iyo kuwa soo koraaya ayadoo laga duulayo sidii adeeg elegtaronig ah oo hufan ay u heli lahaayeen muwaadiniinta; hadana wadamadu way ku kala duwan yihiin waayo dowladaha hor maray waxay haystaan qalab aad u hormarsan halka dowladaha soo korayo ayagu aysan gaarin halka ay gareen kuwa hor maray.Tusaale hadaan u soo qaadano somaliya oo kale oo ka mid ah dowladaha soo koraya uuna daashaday dagaalo sokeeye ayaa waxaa horyaala caqabado fara badan oo ay ka mid tahay tignoolojiyo hoosaysa iyo arimo fara badan oo ku hor gudban hormarka .Xukuumada elagtarooniga ah ayaa hadaba waxaa lagu qeexaa cilmi ahaan in ay tahay xog tignologi iyo xiriir oo wada u ah gaarida waxa loo yaqaano dowlad wanaag.

Sidoo kale xukuumada elegtarniga waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay wadada hor umarka iyo kobaca dalaka.Hadaba waxaa jira waxyaabo fara badan oo saameen ku yeelan kara qaadashada nadaamka xukuumada elegtaroniga marka laga hadlaayo somaliya oon ka tilmaami karno tusaale ahaan kaaba yaasha dhaqaale iyo siyaasada iyo arimo ku lu leh xaga bulshada iyo abaabulka.Waxaa sidoo kale jira waxyaabo intaa ka soo haray oo saameen ku yeelan kara in ay somaliya qaadato nadaama xukuuada elegtaroniga oo u baahan in loo helo xal.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply