Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

AMISOM Oo Si Adag Uga Hadashay Khilaafka u Dhaxeeya Madaxda DF Somalia

Taliska Guud ee Ciidamada AMISOM ayaa maanta si kulul uga hadashay Khilaafka banaanka usoo baxay ee u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid).

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col.Cali Aadan Xaamud oo maanta Muqdisho Shir Jaraa’id ugu qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay Khilaafka soo if baxay ee u dhaxeeya Madaxda ugu sareeya Dowlada Soomaaliya.

Cali Xaamud ayaa xusay in Khilaafkan ay wel wel badan ku beerayo Howlgalka AMISOM ayna ka cabsi qabaan in saameyn badan ku yeesho howlahooda uuna dib u dhigo howlgaladii dalka looga xureyn lahaa Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa xusay in wafdi sare oo katirsan AMISOM in ay u direen Madaxtooyada Soomaaliya si ay kulamo ula qaataan Madaxda sare gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Saacid.

Hadalka maanta kasoo baxay Taliska AMISOM ee ku aadan in uu saameyn ku yeelanayo howlgalkooda Khilaafka Madaxda sare ee Dalka ayaa imaanaya xili ay sii kordhayaan Khilaafka iyo kala fogaanshaha u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha.

Ceegaag Online-kismayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag