Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ambassador Mohamed Osman Omar oo ku geeriyooday magaalada London.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN “KULU NAFSIN DAA’IQATUL MOOTI”

Waxaa shalay magaalada London ku geeriyoodey ALLE ha u naxariistee Ambassador Mohamed Osman Omar oo ahaa rug cadaa Diplomaasi oo mudo dheer kasoo shaqeeyay diblomaasiyada Soomaaliya sidoo kalena xilal kala duwan kasoo qabtay wasaarada arimaha Dibada Soomaaliya.

ALLE ha u naxariistee Danjire Maxamed Cismaan ayaa ahaa wadani aad looga tixgalin jiray gudaha iyo Dibada Soomaaliya sidoo kalena safiir kasoo noqdey wadamada Yogaslavia, Srilanka, Singapore, China, Sudan iyo India.

Danjire Mohamed Osman ayaa sidoo kale qoray boogaag fara badan ka qoray arimaha Soomaaliya oo ka mid ahaa;

–       The Road to Zero (Somali’s Self-Destruction)

–       The Scramble in the Horn of Africa

–       Somalia: Between Devil and Deep Sea

–       Somalia: Past & Present

–       Somalia: A Nation Driven to Despair

–       Diplomaasiyad iyo Hab Mamuus

Hadaba waxaa Tacsi gaar ah udiraya shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qosykii uu ka geeriyoodey marxuum Mohamed Osman Cumar Qunsulkii Safaarada Soomaaliya Mohamed Muuse Ismail (Buuni) eoo dalka India u fadhinjiray waqtigii uu Danjiraha ka ahaa Marxuumku, isagoo ALLE uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii marxuumkana samir & Iimaan kasiiyo Aamiin.

Sidoo kale Bahda Ceegaag.com ayaa halkan Tacsi uga diraya dhamaan Shacabka Soomaaliyeed, Qoyskii iyo qaraabadii Marxuum Ambassador Mohamed Osman,  Waxaana ilaahay uga baryanaa in marxuum Mohamed Osman Cumar  naxariistii Jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadiina  Samir iyo iiimaan kasiiyo AAMIIN.

www.ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply