Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al-shabaab oo xasuuq shacab ka geystay deegaanka Af-Urur.

Kooxda argagixisada ee Al-shabaab ayaa saaka xasuuq ka geystay deegaanka Af-urur ee gobolka bari. Sida uu u xaqiijiyay warbaahinta gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays,(Dhedo). Xasuuqa loo gaystay shacabka iyo ciidan fadhigiisu yahay saldhiga Af-urur ee buuraleyda Gal-gala,  ayaa wuxuu dhacay kadib markii ay la wareegeen argagixisada al-shabaab gebi ahaanba magaalada Af-urur.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka daraawiishta ee gobolka Sanaag Gen. Cabdulaahi Cumar Cashuur ayaa xaqiijiyay in kooxda al-shabaab ay saaka suxuurtii waqtiga Soomaaliya weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhiga deegaanka iyo magaalada  Af-urur, Taliye Canshuur ayaa sheegay in markii Al-shabaab qabsadeen deegaanka ay xasuuqeen  dad iskugu jira Odayaal, haween iyo caruur deegaanka ah.

Xasuuqan Al-shabaab ka geysteen deegaanka Af-urur ayaa imanaya mudo bil laga joogo markii ay al-shabaab weerar kan oo kale kusoo qaadeen deegaankaas taas ay iska caabin xoogan ay kala kulmeen ciidanka Gen. Canshuur iyo Col. Tusbaxle oo fadhigoodu yahay gobolka Sanaag kuna sugnaa deegaanka Af-urur. ALLE ha u naxariistee Col. Tusbaxle iyo qaar ka mid ah ciidankiisii ayaa saaka weerarkaas gaadmada ah lagu xasuuqay.

Warar madax banana ayaa sheegaya in dhimashada ciidamada puntland ay kor u dhaaftay 60 askari iyadoo dhaawaca magaalada Carmo la geeyayna uu kor u dhaafay 38 isugu jira shacab iyo askar. Waxaa kaloo naloo xaqiijiyay in dadkii ku dhaaawacmay qaarkood la gaadhsiiyay magaalada Boosaaso. Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply