Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Akadeemiye-goboleedka Af-Soomaaliga oo Sweden si Weyn Loogu soo Dhaweeyey

Xaflad si wacan loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayey Akadeemiye-goboleedk Af-Soomaaliga (AGA) iyo Guddoomiyeheeda, Dr. Maxamed Daahir Afrax oo booqanayey Sweden, ayaa waxaa lagu qabtay xarunta weyn ee shirarka, Folkets Hus (Guriga Ummadda) ee ku taal magaalada Stockholm, caasimadda Sweden. Munaasabaddaas oo dhacday maalintii Axadda, 4 November 2013 qabanqaabadeeda waxaa hormuud ka ahaa Ururka Isbahaysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Sweden oo la kaashaday Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Halabuurka Soomaaliyeed laanta Sweden.

 

Munaasabadda oo ay ka soo qayb-galeen dad fara badan oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee reer Sweden oo isugu jirey aqoonyahano, macallimiin, warfidiyeen, hooyooyin iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, Waxaa furay madaxa jaaliyadda oo ah Guddoomiyaha Ururka Isbahaysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Sweden, Mudane Cabdullaahi Maxamed. Bilowgii hadalkiisa Guddoomiyuhu wuxuu si diirran u soo dhaweeyey qoraaga martida ah, Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ka yimid Geeska Afrika. Wuxuu kaloo si diirran u soo dhaweeyey, asagoo ku hadlayey magaca jaaliyadda Sweden, dhalashada Akadeemiye-goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) ee dhawaan lagu daah-furay magaalada Jabuuti, si ay u noqoto madal midaysa dadaalka loogu jiro daryeelka Af-Soomaaliga. Guddoomiye Cabdullaahi wuxuu caddeeyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden inay si weyn ugu riyaaqeen asaasidda Akadeemiyaha, diyaarna u yihiin inay isla garab taagaan hiil iyo hoo. Erayadaas guddoomiyaha Isbahaysiga waxaa sii faahfaahiyey waxgarad kale oo ay ka mid ahaayeen clr Cawad Cabdiraxmaan Xirsi oo xildhibaan ka ah dowladaha hoose ee Stockholm iyo Drs Aamina Siciid. Labaduba waxay carrabka ku adkeeyeen qiimaha uu ummadda Soomaaliyeed ugu fadhiyo afkooda hooyo iyo sida ay waajib u tahay in gacan la siiyo Akadeemiyaha loo dhisay iyo dadka muddada dheer usoo halgamayey oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha AGA ee booqashada ku jooga.

 

Ka dib waxaa mikrofoonka lagu soo dhaweeyey qoraa sare Maxamed Daahir Afrax oo halkaa ka soo jeediyey muxaadarad ballaadhan. Asagoo ku hadlayey magaca Akadeemiyaha uu guddoomiyaha ka yahay (AGA) wuxuu si diirran ugu mahad-celiyey Ururka Isbahaysiga iyo masuuliintii iyo waxgaradkii bulshada Soomaaliyeed ee Sweden ee sida diirran ugu soo dhaweeyey dalka Sweden, soona qabanqaabiyey munaasabaddan qaayaha leh. Ka dib wuxuu ka warramay halgankii dheeraa ee loo soo maray daryeelka Af-Soomaaliga, qiimaha weyn ee uu Soomaalida ugu fadhiyo afkooda hooyo, saamaynta halista ah ee uu afka ku yeeshay burburkii ka dhacay Soomaaliya, baahida keentay in la asaaso Akadeemiyahan cusub, waxqabadka u qorshaysan iyo gacanta looga baahan yahay guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaanna qurba-joogta oo ay safka hore kaga jiraan reer Sweden. Guddoomiyaha AGA wuxuu si weyn u bogaadiyey kaalinta hormuudnimo ee ay daryeelka afka iyo dhaqanka ummadda ka galeen reer Djibouti, taas oo ku timid dadaalka dheeraadka ah ee uu arrimahan isku garab taagey madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle. Wuxuu kaloo bogaadiyey dadaalka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ee ku aaddan afka hooyo. Ka dib waxaa furmay su’aalo iyo talo-bixin ay ka qayb qaateen dad fara badan oo goob-joog ahaa. Waxgaradkii hadalkooda lagu diirsaday waxaa ka mid ahaa macallin Yuusuf X. Cabdillaahi, Guddoomiyaha SS PEN Sweden, iyo Marwo Caasha Ismaaciil, Guddoomiye-ku-xigeenka Ururka Isbahaysiga. Dhammaan dadkii hadlay waxay ka sinnaayeen soo dhaweynta iyo taagerada Akadeemiyada cusub iyo bogaadin ay ku soo dhaweeyeen guddoomiyeheeda Dr. Afrax iyo soo jeedintiisii.

 

Munaasabaddan waxaa hordhac u ahaa kulan casho-sharafeed ah oo lagu soo dhaweynayey Guddoomiyaha AGA, kaas oo habeenkii xafladda ka horreeyey lagu qabtay maqaayad casri ah oo ku taal bartamaha Stockholm (eeg sawirrada). Casho-sharafeeddaas oo ay hoggaaminaysey Guddoomiye-ku-Xigeenka Ururka Isbahaysiga Ummadda Soomaaliyeed, Marwo Caasha Ismaaciil, ujeeddadeedu waxay ahayd is barasho iyo is war-galin ku saabsan Akadeemiyaha cusub oo dhex marta Guddoommiyaha booqashada ku yimid iyo masuuliin iyo hawl-wadeen xul ah oo isugu jirey jirey Soomaali iyo masuuliin Swedish ah oo ku lug leh arrimaha Soomaalida. Waxaa asna ka horreeyey kulan-weyne lagu qabtay magaalada Vasteras, laba beri ka hor, halkaas oo uu ka dhacay shir-sannadeed ay lahaayeen macallimiinta dhiga afafka kala duwan ayna ka mid ahaayeen boqollaal macallin oo dugsiyada Sweden ka dhiga Af-Soomaaliga. Shirkaas waxaa lagu marti-qaaday Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxuuna ka jeediyey muxaadarad ku saabsan Af-Soomaaliga iyo Akadeemiyaha loo dhisay iyo sidoo kale ujeeddada socdaalkiisa, arrimahaas oo ay si weyn ugu riyaaqeen boqollaalkii macallin ee halkaa ku shirsanaa.

Cabdinaasir Yuusuf Macalin

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag