Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Akadeemiye-Goboleedka Afka Soomaaliga (AGA) oo Kanada ku qabtay maalinta xuska Afka Hooyo.

Magaalada Edmonton ee caasimadda Gobolka Alberta-Canada-  ayaa si weyn looga xusay maalinta “Afka Hooyo”. Barnaamijkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey laanta akadeemiyada ee waddanka Kanada, iyada oo bulsha weynta Soomaaliyeed ay aad ugu farxeen kulanakaas. Xafladda ayaa waxaa ka soo qaybgalay bulshada qaybeheeda kala duwan sida; siyaasiyiinta, odayaal dhaqameed, hooyooyin, dhallinyaro iyo dadka u ololeeya afka iyo dhaqanka Soomaaliga.

Ugu horreyn waxaa xafladda aayado Qur’aana ku furey Sh. Jaamac Nuur Oday oo kamid ah culumida madaalada Edmonton, isaga oo dadkii meesha ka soo qaybgalay ku waaniyey inay afkooda iyo diintooda haystaan.   

Intaas kaddib waxaa barnaamijka furey wakiilka AGA ee Canada Mudane C.risaaq Ismaaciil Xaashi (Cirro)  oo si weyn uga sheekeeyey taariikhda iyo waxtarta Akadeemiyada AGA, ayaa yiri “Waxaan nahhay tabliiq dhica dhaqanka iyo afka ah” Cirro ayaa dadkii meesha isugu yimid u sheegay in hay’addaan oo ay kumideysan yihiin waddamada; Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ay u taagantahay, horumarinta iyo kobcinta:-

  1. Aqoonta
  2. Afka Soomaaliga
  3. Qoraalka iyo
  4. Hal-abuurka

Mudane Cawil oo oday ka ah ururka Somali We Care ayaa si weyn ugu ammaanay Akadeemiyada howlaha ballaaran oo ay ka waddo daafaha adduunka, isaga oo sidoo kale sheegay inay garab weyn ugu baahanyihin akadeemiyada iyo shacabka soomaaliyed ba, sidii afsoomaaliga loogu dari lahaa manhajka gobolka Alberta.

Intaas kaddib waxaa hadalka qaatay Bashir Xaaji Cali (Jamaal) oo madax ka ah ururka Somali Canadian Education and Rural Development Organization, oo ku dheeraaday taariikhdii AfSoomaaliga, qoriddiisii iyo gudiyadii ka soo shaqeeyey isaga oo ugu dambayna ku ammaanay AGA doorkeeda facaalka ah ee ay ka qaateen u istaagidda afka iyo dhaqanka.

Wasiirkii hore ee duulista hawada Soomaaliya Mudane Cabdi Guuleed oo isna goobta ka hadlay ayaa dadka ku guubaabiyey in da’yarta Afsoomaaliga la baro, isaga oo sheegay in umadaha la degan waddanka guryooda looga hadlo afkooda kaloya, halka Soomaalida guryohooda looga hadlo hadba afka waddanka ay joogaan.

Ganacsade Deeq Gargareete oo xafaladda ka hadlay ayaa xusay in jiritaanka umadaha lagu garto afkooda iyo dhaqankooda, isaga oo sheegay inay maalgalin lahaayeen haddii ay hadda ka hor arki lahaayeen dad u ololaynaya afka Soomaaliga

Sahra Haashi oo ah hooyo u doodda carruurta iyo haweenka Soomaalida Canada oo hadashay ayaa sheegtay in bulshada Soomaaliyeed ee Canada, gaar ahaanna carruurtu  si weyn ugu baahanyihiin Afsoomaaliga iyo dhaqankooda in la baro.

Samafale Axmed Caynab oo kamid ah qabanqaabiyayaashii xafladda ayaa Soomaalida ku dhiirri-geliyey inay afkooda iyo dhaqankooda u istaagaan.

Sh. Axmed biixi oo kulanka soo xirey ayaa yiri “Baahi wayn baan maanta u qabnaa inaan afkeenna iyo dhaqankeenna  ilaalsanno, sida aan u rabno inaan diinteenna u ilaalsanno waayo dhaqankeennu wuxuu ku salaysanyahay islaamka, waayo awoowayaasheen dhaqankoodii wuxuu ahaa dhaqan islaan.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply