Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ahmed Hussen oo loo magacaabay wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyaddaha Kanada.

Ahmed Hussen oo ah nin muwaadin asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya ayaa maanta loo magacaabay inuu noqdo wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalkan Kanada.

Ra’iisal wasaaraha Kanada Mudane Justin Trudeau oo maanta isku shaan-dheyn golahiisa wasiirada ku sameeyey ayuu mudane Ahmed Hussen ugu magacaabay wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalkan Kanada xaflad ka dhacday aqalka wakiilka boqorada dalkan Kanada ee Elizabeth II.

Mudane Ahmed ayaa noqday muwaadinkii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo gala baarlamaanka Kanada sanadki 2015-kii.Wuxuu markaasi kasoo galay baarlamanka xaafada York South-Weston ee magaalada Toronto ee gobolka Ontario.  Sidoo kale Mudane Ahmed Hussen ayaa maanta noqday  shaqsigii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo jago wasiirnimo loo magacaabo dalkan Kanada.

www.ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply