Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Abdikarim Hussen Gulled iyo Maantay

 

Cabdikariim Xuseen Guulleed, wuxuu ahaa Macalin Iskuul, Wuxuu Ka Midyahay Xisbiga Nabada Iyo Horumarka loona yaqaan  Damul-Jadiid gudomiyana waxa u ah Madaxwaynaha Somalia Mudane Xasan Sheikh.

Dawladii Raysal Wasaare Sacid Shirdoon Wuxuu Ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Amniga Mudo Labo Sano Ku Dhow Abdikarim Hawshaasi Way Ku Adkaatay, Saaxiibkiis Madaxweyne Xasan Sheikh Ayaa Mar Kale Raysalwasaarihii Bedelay  wuxuuna  Cabdiweli Sheikhe Ku Cadaadiyay Inuu Wasiir Ka Dhigo Isaga Iyo Xubno Kale Waxaana Laga Kala Qaaday Wasaaradii Uu Ku Fashilmay Ee Arimaha Gudaha Iyo Amniga.

Weerarkii Lagu Qaaday Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Mudane Cabdikariim fashilkiisii xoogaystay Kadibna waxa shir degdega isugu yimi Xisbigi Damjadid waxayna isla qaten inuu  is casilo Intaan La Qabsan,

Dowlada somaliya waxa ay ku shaqaynaysa nidam Federal ah kaas oo aysan dadka somaliyed weli u bislan waxa indhawayd soobaxayay is haysasho xuduudaha maamul goboledyada ah kasoon calamad la aqoon sanyahay lahayn, dagaladii sokeeye waxa laga dhaxlay dadka intii isku qabiil ahba inay isku meel degaan, gobladuna waxay u dhisan yihin sida nidaam kaduwan, qabiilna yeeli maayo inuu maamul looga awood badan yahay qayb ka noqdo inta laga soo jaro qabiil ahaan gobolkii u kasoo jeeday, arimaha iyo kuwakale waxay fashil xoogan ku hayan nidamka dowliga somaliya ee uu madax waynaha kayahay mudane Xasan Sh Maxamud, hadaba si ay wax uun usoo hirgalan ugana badbaadan caqabado iyo ceeb gudaha iyo dibadaba samaysa rajana u yeshan inay xilka siihayan ama kuba soolaabtan, waa inay helan fursado ay Xisbiga Damul-Jadid ku maamulan mamul goboledyada somaliya taas oo taar gadkii koobaad laga dhigtay Gobalada Mudug iyo Gal gaduud.

Maantay ayuu ku guulaystay xilka madaxwayha maamulka Galmudug Mudane Cabdikarim Xuseen Gulled,

Is haysiga Galmudug iyo Puntuland waxa lafilaya in laga gudbo madama Damul Jadid qabsatay Galmudug, sababtoo ah waa xisbiga wadanka kataliya waxayna marwalba ka fogan donan wixi cabsi gelinaya Puntuland si ay ujirto wada shaqaynta ay kala dhaxaysa dowlada dhexe, waxa la isticmaalaya keliya waa magaca Mudug ee lama kala qaybin doono mudug taasina labada dhinac awalba way kuwada jogen sida Puntuland ay dastuurkeeda ugu qoratay Mudug.

Ayay Gal mudugna ugu qornaan doonta, wixii xuquuq ahna sidii ay awalba ugu kala qayb sanayd ayay ukala heli doonaan. Inta shacabka halkaa dagan meelaha xuduudaha ah ay garanayan halka danta u ah tan qabiilka iyo mida qaranka dowladana rayi ahan haday sida yesho waa guul.

way socota lasoco qormoyinka xiga

by- Gateway

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply