Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Aaska Marxuumad Wariye Hiniya Xaaji oo aan maanta loo kala harin

Waxaa aas ballaaran maanta magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka loogu sameeyay Allaha u naxariistee wariye Hiniya Xaaji Maxamed oo ka mid eheyd shaqaalaha Warbaahinta Qaranka Somalia. Marxuumada ayaa waxaa maalinimadii shalay ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaaray Qarax miino oo loogu xiray gaari ay wadatay.

Allaha u naxariistee Aaska marxuumada ayaa waxaa kasoo qeybgalay dad aad u farabadan oo isugu jiray Shacab iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada iyadoona Salaada janaaso kadib loo galbiyay hooygeedii saxda ahaa. Marxuumad Hindiyo Xaaji ayaa waxaa geerideeda si xun uga naxay guud ahaan Umadda Soomaaliyeed waxaana maanta lagu aasay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Dadkii ka qeybqaatay Aaska Marxuumada ayaa waxaa wajiyadooda laga dareemaayay murugo halka qaarna ay ahaayen kuwo ay ilmadu ka daadaneysay, kadib markii Marxuumada mudadii ay nooleyd lagu amaanay Howlkarnimo iyo Jaceyl gaar ah oo ay u qabeen inta ay lasoo shaqeysay geerideeda ka hor. Dhamaan Dadkii aaskaasi ka qeybgalay ayaa sidoo kale dowladda ugu baaqay in ay la socotaa caruurta ay ka geeriyooday Hindiya Xaaji oo u dhimatay iyadoo Qaranka u shaqeyneysa.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply