Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Aas aasihii Olympic-ada Soomaaliya oo baaq u diray dowladda

Aas aasihii guddiga Olympikada Soomaaliyeed ee GOS Mr. Ali Omar Sheegow ayaa ugu baaqay Dowladda federaalka Soomaaliya iney Sportiga u adeegsadaan soo celinta nabadda dalka Soomaaliya,isagoo u sheegay in kaalin muhiim ah ka qaadan karo arintaasi.

Mr. Sheegow ayaa hadalkan ka horjeediyey wufuud katirsan GOS oo uu hogaaminayey Xoghayaha guud Duran Ahmed Farah  kuwaasi oo booqasho ugu tegey Odayga sportiga dalka oo degan magaalada Manchester England.

“Runtii aad ayaan idinkugu mahadcelinayaa safarka dheer aad usoo gasheen inaad I aragtaan—booqashadiina waxay ii muujineysaa in bahda sportiga xiligaan ay tixgelinayaan oo ay ka warqabaan hogaamiyayaashii hore ee dhinaca Sportiga,waxaan alle ka baryayaa inaad Sportiga kusoo afjartaan dhibaatooyinka dhinaca amaan ee dalkeena”ayuu yiri.

“Waan ku faraxsanahay sida ay iminka u shaqeynayaan gudiga Olympikada Soomaaliya,waxaad ka hortagteen in dhalinyarada dhibaatooyinka kala kulmaan dagaalada iyo balwadaha,idinkoo u jiheeyay dhinaca Cayaaraha,waxaana aad uga xumahay hogaamiyayaashii GOS iyo xiriiradiisa ee naftooda ku waayey dagaalada tan iyo 1991,Alle naxariistii jano ha geeyo aan u duceeyno dhamaanteen”ayuu yiri Ali Omar Sheegow.

Xoghaya guud ee GOS Duran Ahmed Farah oo hogaaminayey wafdiga Olympikada ee booqashada ugu tegey Khabiir Shegow ayaa halkaasi ka sheegay in booqashadooda ay muhiimad gaar ah,ugu fadhido bahda Sportiga xiligaan,isagoo xusey in GOS iyo xiriradiida ay tixgelin gaar ah u hayaan Aas-aasayaashii heyadan oo ay ka dhaxlayaan khibradda iyo waaya-aragnimadooda gaar ahaan aas-aasihii GOS.

Mr.Cali Cumar Sheegow ayaa dhashey 20th July 1924,wuxuuna qeyb ka ahaa 13 dhalinayaro oo maamuleysay Sportiga soomaaliya,kahor intii aysan Soomaaliya xornimadeeda ka qaadan gumeystihii Talyaaniga,wuxuuna aas aasey oo uu hogaaminayey hey’addii ugu horeeysa ee Olympic Soomaaliya 12ka bishii December 1 1959.

Kadib bur burkii dowladii dhexe ee Somalia Mr Sheegow waxaa uu aaday dalka Talyaaniga gaar ahaan magaalada caasimadda ee Rome oo uu sanado badan ku noolaa,waxaa uu iminka qoyskiisu kula nool yahay magaalada Manchester oo 5tii sano lasoo dhaafay uu ku sugnaa,wuxuuse xaqiijiyey inuu dalka kusoo laaban doono si uu noloshiisa inta kadhiman ugu dhameysto.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply