Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Soomaalida Boston oo iyaga oo mideesan AWR raran ku darsaday Safar siyaasadeedka magaalada Boston

Tartanka doorashooyinka dawladaha hoose ee magaalada Boston ayaa xalay lasoo gabo gabeeyay iyada oo Soomaalidu ahayd dadka kaliya ee sida wayn uga dhexmuuqday tartanka sidii Awr baarqab ahi geela uga dhexmuuqdo.

Tartankan oo uu ku guulaystay xafiiska u sareeya Martin J Walsh ayaa kadib markii laga soo gadoomay kulankii uu John Connolly oo ay soomaalidu aad u taageerayeen aqoon saday guuldarada doorashada lagu qaadaa dhigay goobaha cawayska guusha wayn ee u soo hoyatay shacabka Somaalida oo markii u horeesay AWR wayn oo baarqab ah aadna u raran Soomaaliduna dhamaanteen xamaanteeda si midaysan ugu rarteen lagu dhex arkay Safar Siyaasadeedka magaalada Boston.

Cadadka codadka jaaliyada Soomaaliyeed ayaa markii u horeesay doorashadan soo shaacbaxay kadib markii qayb jaaliyada kamidi isu xilqaameen inaan laga baayac mushtarin, iyada oo ay jaaliyada horboodi jireen dad Afrikaan ah oo aanba haysanin dhalashada wadanka Maraykanka sidaa awgeedna aan codayn karin balse iibin jiray codadka dadka Soomaalida ah oo iyagu ku mashquulsanaa xaalada Soomaaliya, arintan ayaa lasoo afjaray kadib markii gole iskood isu xilqaamay gadhwadeena ka noqdeen rabitaanka shacabka SIYAASIYAN.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

5 Responses to Soomaalida Boston oo iyaga oo mideesan AWR raran ku darsaday Safar siyaasadeedka magaalada Boston