Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ololaha Doorashada Deeqo Jibriil Oo gacan ka helay Xildhibaan Ilahaan Cumar iyo Sheekh Tawakal Yuusuf

Imam Taalib J. Mahdee waa Imam of Masjid Al-Quraan, waana masaajid la’dhisay 1940-kii waxa uu ku furay Xaflada Ayaadaha Quraanka, Imaamka ayaa sidoo kale sheegay in ay Deeqo u tahay fure dadyawga reer Boston Gabi ahaan oo ayna Soomaalida oo kaliya halyay u ahayn.

Imaamka ayaa ah mid ku dhashay magalada Boston Siiba Xaafada Roxbury degana halkan nolashiisa oo dhan. Imaamka ayaa akhriyay Suuratul Faataxa maadama ay quraanka Furihiisa tahay

Hibo Macalin oo ah Gabadh ay Deeqo Ceruurteeda isla soo koreen ayaa goobta ka sheegtay sida ay deeqo nolasheeda wax uga badashay sida iyada oo tidhi shaqada Deeqo u hayso shacabka reer Boston Guud ahaan siiba kuwa Soomaalida ayaa igu dhiiro galiyay inaan barto culuunta siyaasada si aan sida Deeqo oo kale wax ugu qabto shacabkayga.

Hiba ayaa dhanka kale ka hadashay sida  Xildhibaan Elizabeth A. Malia (Massachusetts)  ay Horyaal ugu ahayd Haweenka dhamaadkii qarnigii tagay. Iyada oo ku nuux nuux satay sida ay dadaalka Xildhibaan Ilahaan Cumar (Minnesota) iyo Xildhibaan Liz Malia (Massachusetts) wada ugu xaadheen inay haweesato inay noqota wax ay maankeeda galiso inay noqoto.

Xildhibaan Elizabeth A. Malia – Massachusetts oo ah  haweenay ka tirsaneed ilaa 1998 kii, aqalka matalaada shacabka gobolka Massachusetts ayaa goobta ka hadashay waxayna dadka ku tirtirsiisay inay Deeqo tahay qof u qalma jagada ay u tartamaso, wax badan u qaban karta magaalada guud ahaan gaar ahaana shacabka ku dhaqan Degmada 7aad ee magaaladan Boston. Ugu danbayn Xildhibaan Liz Malia ayaa goobta kusoo dhaweesay dhigeeda Ilahaan Cumar.

Ilahaan Cumar ayaa ka xogwarantay xaaladii doorashadeeda, iyada oo shacabka reer Boston ku guubaabisay inta degmada 7aad ee Boston degana inay codeeyaan shacabka Soomaaliyeed ee degen daafaha magaalada iyo degmooyinka kalena ay ololaha doorashada Deeqo Jibriil kaga qaybqaataan dhaqaalahooda ama wakhtigooda. Xil. Ilahaan waxaa hadaladeeda kamid ahaa ‘Deeqo waxaan iskaga mid nahay labadayaduba waxaan dalka nimid anaga oo 12 -jir ah, waxaan  nahay Hooyooyin haysta caruur isku da’ah, Waxaan nahay Iskudubaridayaal jaaliyadeed, balse waxaan isugu nimaaddnaa oo na kulansiiya jidka habaynta aayaha ubadkeena.

Dhinaca kale Ilahaan ayaa kula dardaarantay jaaliyada Soomaalida guud ahaan gaar ahaana reer Boston inaan usha loogu tukubin rabitaanka Raga oo kaliya balse Haweenkana lagarabgalo oo loo istaago midii  xukun damaacida iyada oo dib kasii raacisay maba badna e. Xildhibaan Ilahaan Cumar ayaa goobta kusoo dhaweesay Musharax Deeqo Jibriil.

Deeqo ayaa waxay markii hore u mahad celisay Xildhibaanada kasoo qayb galy xaflada Elizabeth A. Malia iyo Ilhaan Cumar, sidoo kale waxay u mahad celisay Sheekh Tawakal Yuusuf iyo marti sharaftii kasoo qayb gashay xaflada tartanka ololaheeda  waxaana hadaladeeda ka mid ahaa..

Sheekh Tawakal Yuusuf oo kamida daaciyada ugu waawayn carigan dalkan Maraykanka ayaa yimid si’uu uga qayb galo tartan ay Soomaalida Boston ugu jiraan inay kursi ka helaan aqalka magaalada Boston looga arimiyo, sheekha ayaa waxa uu muxaadaro  ku saabsan is gacan qabashada ka jeediyay goob xafladeedkii ay OLOLAHA DOORASHADA Deeqo jibriil u qabteen shacabka ku dhaqan degmada ay ka tartamayso. Daawo

Daawo Sawirada, Dhawaana Filo warbixinta inta ka dhiman…

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply