Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

300 Oo Eray Oon Kaala Bakhayli Maayo!

*Saaka ayaad dhimatay, galabtana waa aaskaagii.
*Qof aad jeclayd baa mashquul dartii soo bixi kari waayay.
*Mid xurgufi idinka dhaxaysayna aaskaagii buu ugu soo hor maray.
*Waxaad u qaadan wayday sidaad filaysay & siday wax u dhaceen.
*Mid miskiin ahaa baa fahmay waxa calooshaada ka guuxaya.
*Wuxuu kugu yiri, “hanagu mashquulinne, su’aasha Alle hakuu fududdeeyo!”
*Waad garawsatay,oo waxaad garatay waxa ku sugaya mudo yar ka dib.
*Wuxuu haddana kugu yiri, “tawxiidka ha kala illoobin waad liibaanaysaa inshaa Allaah!”
*Niyadaa kuu qabawday, waxaadse is waydiisay, tolloow miskiinkan wanaagsani muxuu ahaa?
*Wuxuu kugu yiri, “waxaan ahay miskiinkii dawarsan jiraye, su’aasha waxaad tiraahdaa:
*Allahay waa Alle, Nabigay waa Maxamed scw, Diintaydu waa Furqaan…………..”
*Adigoo wali taladiisa sii macaansanaya ayaa salaaddii jinnaasada lagugu dul xirtay.
*Salaad kadib, dadkii buu ku yiri, “walaalayaal aan marxuunka iska cafino una ducayno.”
*Waxay yiraahdeen saamax-naaka, saamaxnaakum, waana laguu wada duceeyay.
*Nin dadka aad ugu jeclayd baa yiri, “baraf & qabaw xun baa dhacayee aaska inoo dadajiya.”
*Waxaadse niyadda ka jeclaystay inuu miskiinku kuu dhammeeyo toosinta & dardaaranka.
*Majarafaddii ciidda ugu horaysay markii lagugu roggay, buu yiri, “Illaahoow qabriga u nuuri”
*Markiiba siraad & nuur qurxoon oodan noociisa waligaa hore u arag baa kuu bidhaamay.
*Kalgacalka aad miskiinkaa u qabto darteed ayay ilmo indhahaaga ku soo istaagtay.
*Majarafadii labaad markay kugu dhacday ayaad miskiinka xusuusatay qufkuu ahaa.
*Waa danyarehii dharka duugga ah iyo hambadda raashinka ah aad marmar siin jirtay!
*Waxaad moodi jirtay inaad abaal u gashay, maantase isagaad jeceshay inaad u abaal guddo.
*Haddaba, maanta wali waad nooshahaye maxaad miskiinkaa ugu abaal guddi lahayd?
*Haddii Illaahay swt hanti ku siiyay, walaal masaakiinta wax wanaagsan ka sii.
*Haddaad qurbaha joogto fadlan bil kasta wuxuun u dir dadkaagii ($20-ka hala xishoon).
*Haddaad Afrika joogto ooddan waxba haysan xooggaaga ku caawi waayeelka & naafadda.
*Haddaad aragto qof ummadda dhibbaya, qawl wanaagsan ku xusuusi maalinta sare ku xusan!
 
Soo Dhiibbaa Liibaanna, Sadaqana Xoolo Kuma Yaraadaan!
 
Share… haddii wali qalbigaagu nool yahay!
 
Walaalkaa,
Axmed-Assad
Ahmedy98@yahoo.com, Facebook.com/Murtisoor, Twitter: @AxmedAssad

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply